Fanaanka caanka ah ee Maxamed BK oo ku dhawaaqay inuu fanka ka baxay faahfaahina ka bixiyey sababta.

Saacadihii ugu dambeeyey waxaa baraha bulshada aad loogu faafiyey wararka sheegaya in fanaankii caanka ahaa ee Maxamed Siciid BK uu guud ahaanba isaga baxay fanka isla markaana faarujiyey maslaraxyada heesaha oo uu muddo ku soo jirey.

Qoraal dhowr qaybood ka kooban oo uu soo dhigay barta uu ku leeyahay faebook ayuu ku caddeeyey in laga bilaabo 18 October 2020 uu isaga baxay Fanka isla markaana uu Alle garad siiyey inuu toobad keeno kana waantoobo wixii uu soo maray.

HALKAAN KA AKHRISO
Bismillaahi salaama calaykum
Dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta ay joogaan waan salaamayaa intaa kadib waxan rabaa inaan idiin cadeeyo anigoo ah Maxamed Siciid Cabdi BK kuna jiray fanka muddo dhowr iyo toban sanno ah in maanta oo bishu tahay 18 October 2020 inaan ka baxay gabi ahaanba fanka iyo suugaanta halkaasna kusoo afmeeray waayahaygii fanka.
Alxmdulillah aad ayaan ugu faraxsanahay in aan nasiib u yeeshay inaan ka towbad keeno Illaahayna igaransiiyo arintaas.
Fadlan waxan idinka codsanayaa inaad duco igu kabtaan iina share garaysaan si ay dad badan u gaadho fariintaydu mahadsanidiin.

4 Comments

  1. wcs sxbkey maxamed bk wa kusalamay maxamed bk ma sha alaha hada ka baxdey fanka iyo suuganda maxamed bk umada gala ha kusoracan anigo ahmed mooye leydhaho maxamed bk wa ku ducananha in sha alaha ilahay farad qeyr qabah ha kusiyo anigo ahmed mooye leydhaho somaliyey waxa idin shegayaha ku deysada walkin maxamed bk una so ducayah sxbyal qeyr ba idin dhafey dhamantina melkasta ad jogdi guuleysda sxbyal bye

  2. Maasha allah qofkii ilaahay hanuun la doono ayaa hanuunsan allaah ha kuu siyaadiyo maxamed walaal waa haddii uusan soo dhigin qof kale oo share iyo like raba.

  3. Somalida cusubi fanka waxay u gashaa lacag, marka ay waxoogaa helaan bay ka baxaan, fankuse waa for life, dembi wey ma leh, marka aan loo eegin diinta alshabaab haysato, markaa Fannaanka waa u duceyneynaa, laakiin fanku wax lagu dheel dheelo maaha, waa hibo waa arts, gabay, suugaan oo dhan, heeso, wax dambi ah ma laha haddiise wax kale lagu dhex darayo waa gaar

  4. Siham Hassan,
    Diinta Ilaahay ha ka fahamsiiyo, fankuna dhinaca aad ka eegtay ma ahane, MUSIC, HEES, ASTURNAAN LA’AAN, XISHOOD DARRI, fan ma aha ee waa ILAAH ka dheeraansho iyo AAKHIRO SEEG.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*