Lix nin oo ku eedaysnaa dilkii deegaanka Kala-baydh ee gobolka Sool oo xukumo kala duwan lagu ridey & beel go’aan ka dhan ah qaadatay.

Maxkad guur guurta oo shareecada Islaamka ah ayaa xukumo ku ridey rag ku eedaysnaa dil dhowaan ka dhacay deegaanka Kala-baydh ee gobolka Sool, kaasi oo xiisad ka abuuray guud ahaan gobolka.

Maxkamadda raggaan loo xil saaray oo ahayd mid dhinacyadu u xil saareen inay u qaado wixii ay shareecada Islaamku ka qabto ayaa waxa ay xukumo ku ridey 6 eedaysano oo loo haystay kiiskaasi.

Ka dib markay baadhis dheer gashay maxkamadu waxay ku kala xukuntay, 2 kamid ah 6dii eedaysane min 5 halaad, 4tii soo hadhay 2kamid ahna min 10halaad, halka labada soo hadhayna maxkamaddu ku xukuntay qisaas.

Qoysaska kiiskaan dhibbanayaasha ka ah ayaa sheegay inay cafiyeen qisaasta raggaasi isla markaana waxaa lagu xukumay inay bixiyaan min 200 oo halaad sida lagu dhawaaqay.

3 Comments

  1. wcs reer ssc maasha allah ilaahay haka abaalmariyo sifican bey u dhacdey reer ssc ilahay ha naga qabdo cadowga dhulkan kuso duley oo hogaminayo muuse handarab jeeganta iyo kuwa lagata siyo mgrty reer ssc mel kasta ad jogdan dal iyo dibad la shaqeya jabhada xoreyda gobalada sool sanag ceyn reer ssc wa argdin qabilada dhulbahandey leys ku dirayo her waxa la garey in dhulbahande la ba biiyo sas ayey mareysah shegada reer ssc waxa idin shegayah dal iyo dabid waxajogan gacmah an is qabsano jabhada an lashaqeno cadowga u hogaminayo muuse handarab iyo kuwa lagacta siyo jeeganta dhulkeyna an ka sarno reer ssc mantey dagalka bilabeyna cadowga dhulkan kuso duley wan kasareyna oo hogaminayo muuse handarab iyo kuwa lagacta siyo jeeganta xun reer ssc melkasta ad jogdin dal iyo dibad jabhada la shaqaya sas aya isku ognahay reer ssc guulo iyo gobonimo reer ssc dalkana wa ka xoreynah cadowga muuse handarab iyo waxu wado ok bye

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*