Madaxweyne Deni oo furaya kal-fadhiga barlamaanka, qaylada shacabka & isbedelada kadib cayrintii Dhooba-daareed.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa saaka furi doona kal-fadhigii 47aad ee barlamaanka Puntland xilli su’aalo la waydiiyey ay ka caraysiiyeen furitaanka kal-fadhigii ugu dambeeyey ee barlamaanku yeesha sanadkaan.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu furitaanka kal-fadhiga ka jeedin doonaa khudbad uu kaga hadli doono waxqabadka xukuumaddiisa, xaaladda Soomaaliya, heshiisyadii doorashada ee Muqdisho iyo arrimo kale.

Mudada kal-fadhigu socdo waxaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa looga fadhiyaa arrimo dhowr ah oo quseeya xaaladda dhaqaale ee Puntland gaar ahaan sicir-bararka, arrimaha dekedda Boosaaso iyo DP World & soo gudbinta xubnaha aqalka ku matalaya Puntland.

Inkasta oo xogihii ugu dambeeyey sheegayaan inaan wax su’aalo ah madaxweynaha la waydiin doonin kulanka berri, haddana waxaa barlamaanka cadaadis kaga imaanaya cabashada shacabka oo bilihii ugu dambeeyey ku badatay xafiisyada guddiyada joogtada ah ee golaha wakiilada.

Wasaaradda dekedaha Puntland ayaa lafilayaa inay qaadan doonto culayska shirkadda DP World kadib balanqaadyo aan waxba ka qabsoomin oo ay samaysay mudadii uu socdey kal-fadhigii la soo dhaafay ee 46aad.

XOG: M/weyne Deni oo gudoonka baarlamaanka Puntland u sheegay in aan Su`aal la weydiin karin Berrito.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*