Madaxweyne Farmaajo oo madaxtooyada ugu yeeray kulan xasaasi ahna la qaatay wasiiradii xalay la magacaabay

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Wasiirada magacaaban ee xukuumadda ee uu soo dhisay Ra’iisul wasaaradda xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka oo ah midkii ugu horreeyay uu Madaxweyne Farmaajo la qaato golaha wasiirada xalay lagu dhawaaqay ayaa waxaa uu ahaa mid salaan iyo Is-barasho ah, madaxweynaha ayaana ra’iisul wasaaraha ku bogaadiyay soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada, haweenka iyo sida uu xoogga u saarayo sii amba-qaadidda guulihii h

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka codsaday Guddoonka iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka ansixinta Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble, si loo dardar geliyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha Xukuumadda, loona gaarsiiyo dalka doorasho hufan oo wakhtigeeda ku qabsoonta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga rajeeyey Golaha Xukuumadda ee la magacaabay in uu u fududeeyo masuuliyadda adag ee hortaalla, kana yeelo Gole si daacadnimo iyo wadaniyad leh ugu adeega shacabka Soomaaliyeed.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*