Madaxweyne Qoorqoor oo war ka soo saaray xaaladda Galkacyo & doorashadii maanta

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ‘Qoorqoor’ ayaa soo dhaweeyay doorashada Guddoonka Degmada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa soo dhaweeyay doorashooyinkii Golaha deegaanka iyo Guddoonka Degmada Gaalkacyo oo maalmihii danbe si isdaba joog ah uga dhacay Degmada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

“Reer Galkacyo waa ku mahadyihiin sida hufnaanta, daahfurnaanta iyo dimoqraadiyadda leh oo ay uga qeyb qaateen dhismaha golaha deegaanka & doorashada guddoonka degmada. Waxaan rajeynayaa in degmooyinka kale ku dayan doonan Gaalkacyo” ayuu yiri Madaxweyne Md. Qoorqoor.

Madaxweynaha ayaa hambalyo u diray guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka Degmada Gaalkacyo oo ku guuleystay doorashadii maanta oo u dhacday si xor iyo xalaal ah.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib uheshiisiinta oo suura gelisay dhismaha golaha deegaanka iyo doorashada guddoonka Galkacyo. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa ku dhiirogeliyay wasaaradda in ay dardar-geliso dhismaha golayaasha deegaanka dhamaan degmooyinka Galmudug ee dhiman..
Dhamaad

2 Comments

  1. Alow ale maxa gole degaan ah oo galnus ay ku haystaan gaalkacyo ma xaafada baraxleey baa hhh gaalkacyo wax ka ah waaba hal xaafad oo yar gudoomiye u samee hhh war ceebtiina Iska dhuunta

  2. Dalmar

    Isku deegaan iyo isku maamul ma nihin xataa isku Dawlad Goboleed ma nihin marka Dalmaroow maxaad nagu maagaysaa ?
    Hadaanu reer Galmudug nahay dadaalka iyo horumarka iyo waliba daris wanaaga waanu wadaynaa laakiin marnaba uma dulqaadanayno daan daansi iyo wax la mid ah jawaab cad baanu ka bixinaynaa laakiin Dalmaroow mid ogsoonow Af-lagaado dad un bay kugu dirtaa ee cidina wax ma yeesho.

    Long Live Galmudug State Of Somalia…….
    Ka naxoow nafta waa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*