Maleyshiyaad lagu ururinayo duleedka Boocame & Somaliland oo bilowday abaabul ay kaga qabsanayso Puntland.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu saaka ka helayno duleedka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay malayshiyaad ku ururinayso xukuumadda Somaliland.

Malayshiyaadka hubaysan oo sheegtay in ay katirsan yihiin Somaliland ayaa doonaya inay degmada ka dejiyaan calanka Soomaaliya isla markaana ay gacan ku haynteeda kala wareegaan Puntland.

Hogaamiyayaasha malayshiyaadkaan oo balanqaad ka haysta Somaliland ayaa qayb ka noqon doona qorshayaasha ay Somaliland ku doonayso inay kula wareegto guud ahaanba gobolka Sool.

Ka sokow abaabulka Somaliland maalin kahor ayey ahayd markii ay Somaliland soo bandhigtay ciidamo katirsanaa Puntland isla markaana dhankeeda u wareegey.

18 Comments

  1. Suurta gal ma tahay in Dhulbahante isagu dalkiisii joogaa oo ku nool dhulkiisa in Majerteen yidhaahdo wa malayshiyaad calooshood u shaqeystayaal? Sool ma dhul ay leedahay Puntland ba!!!

    • Asc

      Siduu saadaalshay ustaad Awlal yay wax u dhacaayaan. Awlal sxb maskaxda lagaama qaado waxaa tahay khabiir siyaasada aad ugu xeel dheer. Waa la arkin meeshey ku dambayso.

  2. wcs sxb marka hore waxa kushegayha kan gabdhahada lascanto ku fuley kas ma kahadashid inta dhaheysid majerteen farta ku fiqeysid ord hada aqli lahani lahad muuse handarab ba iska qabani lahad oo gabdhihin harcad fuley ba iska qabani lahad magrty marka hore ha hadlin sxb majerteen dhulkisa wa nabad magrty ord muuse handarab ba in yaqano marna qamri hani gado marna gabdhihina ha waso kow dhaha sxb maxa ka hadleysin haba mel ba u ordeysin xabad aqli ah ma lidin marka aqli yaladin wellcm bye

  3. Masha Allah waa allah mahadii marhadii tolkay gartay oo fahmay dibindaabyada Madheedheen cadaawaduna dheertahay.

    Tolkay dhulbahante waxaan usheegayaa amabase kula talinayaa inay gartaan meeshii dantoodu Ku jirto kuna hormariyaan deegaankoogaa balaadhana ee SOOL.

    Marlabaad waaxaan allah uga mahadnaqayaa sida wcn tolkay uga xuubsiibtay Budhlayn tii been been ta ahayd ee madheedheen & dhabayaco.

    Allah Mahad Leh!

  4. Waxa keliya ee mar walba si kumeelgaar ah la isugu beddelaa waa magaca Puntland iyo kan Somaliland iyo calanka Puntland iyo kan Somaliland. Wax kale majiraan. Maleeshiyada bannaanka isku urursanaysa iyo tan gudaha magaalada ku jirta waa isla reer Boocame. Dhulbahante khilaafka dhexdooda ka jira awgi, majirto maleeshiya ka tirsan beel-hoosaad oo loo adeegsan karo inay weerarto degaanka beel-hoosaad kale sababtoo ah waxay kicinaysaa xamaasad iyo xasaasiyad qabiil oo hoose.

    Hargeysa mar walba waxay ciyaaraysaa lafo geel iyagaa la isku jebiyaa.

    Weli ma aragteen ciidan Puntland ka gadooday oo u galay Galmudug amase kuwo Galmudug ka yimid oo u galay Puntland? Hadde ogoow, dhalasho iyo taariikhba inta ka dhexeysa reer Puntland iyo Galmudug baa ka weyn inta ka dhexeysa reer Sool & Cayn iyo reer Burco iyo Hargeysa. Reer Puntland iyo Galmudug waxay wadaagaan oo wada deggan yihiin Gaalkacyo, reer Sool & Cayn iyo reer Togdheer ma jirtaa hal tuulo oo ay wada deggan yihiin? Haddii Ingiriis wada xukumi jirey, qolada kalena Talyaani baa xukumi jirey.

    Waxaan maqli jirey abkoow Daarood baa markii uu dardaarmayey ku yiri wiilashiisa midkood: “Inaad isciisho mooyee, rag kale kuma ciilo.” Shaki la’aan, hadalkaas waxaa dhaxlay oo samada looga ajiibay Dhulbahante.

    “Lixda koos ee Reer Cali-gariye kaw iskaga siiyey

    Kasi waaye wuxu waa qabaal waadna kabataane” (Ismaaciil Mire)

    • A Arar, aniga oo ixtiraam weyn kuu haya, oo Aad xaqiiqda inta badan ka hadasho, waxaad maanta caddeysay meesha aad u liidato ee aadan kala aqoon Somalia iyo dadkeeda ama qabaa’ilka ama deegaanada dhinaca Somaliland, Waxaan tidhi reer Sool iyo iidoor meelna ma wada degaan, waxaad tidhi, Puntland iyo Galmudug baa isugu dhow, haddaba aan ku jaahil saree, somalina ha inna maqashee, Qabiilka Dhulbahante iyo Habarjeclo ama Habaryonis Bare waa isku mid, dhaqan, is guursi wada ganacsi, iyo deegaan sida: Magaalada Ceerigaabo oo ay wada yaalaan; MUSE ISMAIL(HY) MUSE ABOKOR (HJ) NAALEEYE AXMED, WERSNGELI OO (BAH UGAYSLABE, NUUX CUMAR, JIBRIL SICIID) MUSE CARRE AYAA IYANA DEGGAN, WAANA WIIL IYO ABIGII. BURCO WAA MAGAALO DHULBAHANTE SI WEYN U DEGANAA, GANACSI WEYNA KU LAHAA IYO HANTI MA GUURTE AH, BERBERA QUDHA 365 AQAL BAA HARTIGA WERSANGELI IYO DHULBAHANTE KU YEESHAY 1991 MARKII LA TIRIYEY , BOOSAASO DHULBAHANTE 5 GURI KUMA LAHAYN WAKHTIGAA WERSANGELI BAA DHAWR IYO TOBAN KU LAHAA, DADKA QAARNA 8 GURI BAY SHEEGEEN. BAL II SHEEG GURI MAJEERTEEN KU LEEYAHAY CADAADO AMA DHUUSA-MAREEB, AMA HABARGIDIR KU LAHAYD , QARDHO, BOOSAASO AMA GAROOWE BEFORE 1991, WAA ZERO.
      MAJEERTEEN IYO GALMUDUG XATAA ISKU LAHJAD MAAHA, XIGMAD GABAYO IYO SUUGAAN MIDAYSA MA LEH, TAN KALE XUDUUDKA ISAAQ YO DHULBAHANTE WAA GEES ILLAA GEES, ILAA CEERIGAABO ILLAA ITOOBIYA GUNTEEDA
      MAHADSANID, TAARIIKH CUSUB HADDII AAD SAMAYNAYSO TAASI WAA GAAR

  5. @@@@Saeed

    Sool waxaa leh Dhulbahante, waadna ogtahay inaan Majeerteen hurguri ka hayn inuu dhul Dhulbahante qabsado ama isku ballaariyo, dhul-yarina ma hayso, Alxamdullilaah. Waxaase la joogaa qarnigii 21aad, iyo tan Soomaali intaa u dheer oo ah inay burburtay dowladdii dhexe. Marka, cidna kuma noolaan karto meel aan nabad iyo nadaam dowladnimo ka jirin. Haddii Dhulbahante isagoo aan cidna ku tiirsanayn dhulkiisa u tashan lahaa waxbay ahaan lahayd laakiin wuu ku fashilmay.

    Dowlad dhexe iyo Xamar iska illoow; ma soo noqonayso awooddii wax walba Xamar ku urursanaan jireen.

    Waxaa kula gudboon labo midkood: inaad raacdo qolo ku doodaysaa inuu idin wada xukumi jirey gaalkii Ingiriiska ee maalinkuu 1880s cagaha soo dhigay carrada Soomaaliyeed aydnaan la xaajoon, heshiisna la galin, markii dambena aad la gasheen jihaadkii iyo halgankii aynu wada ognahay; amase aad raacdaan qolo aad dhalasho wadaagtaan oo aad tihiin ismahuraan.

    Anigu weli ma arag inta siyaasi Dhulbahante ee u dudsan Puntland mid qura oo qeexi kara waxa Dhulbahante tabanayo. Beelaha Puntland deggan oo dhan ma wada qanacsana, waxayse u tanaasuleen danta guud iyo aayaha Puntland.

    Haddii aad doonaysaan jagada madaxweynaha, waxaa ka horreeya in la helo dad iyo degaan Dhulbahante oo ku qanacsan inay ka mid noqdaan, wax kastana la qabaan lana qaybsadaan inta kale ee reer Puntland. The choice is yours.

  6. Kolka la kala saaro siyaasada iyo qabyaalada, Gobolka Sool oo Beelo Badan wada degaan waxa uu juquraafi ahaan ka mid yahay Somaliland. Beesha Dhulbahante haa qabiil ahaan waa Daarood. Puntland isirnimo ayay wax ku dooneysaa, taasina wax soconaya maaha. Kolkaas hadii Majeerteen leeyahay Harti Woqooyi ayaan rabaa dee iyana haku doodo Majeerteenka iyo Hartiga iyo Daaroodka kale ee Ethiopia xuduudeeda ku jira. Hadaaney tahli Karin taas oo ay leedahay kuwa Ethiopia waxey ku jiraan xuduud Wadan kale, dee Xuduuda Somaliland iyo Soomaaliya Isla Ingiriiska ayaa jeexay labadaba, sida uu ta Ethiopia u jeexay. Runta biyo kama dhibcaanka ahi waa Sool iyo Sanaag weligood Somaliland ayay ka mid ahaaneyaan. Walaa Shantii Soomaaliyeed isku timaadey, walaa Somaliland iyo Soomaaliya dib wax iskugu darsadeen ama sidaas halagu kala tago. Had iyo Goor Somaliland ayay ka mid ahaaneyaan. Inta Majeerteen amaba Puntland taas fahmeysana weligeed siyaasiyan degi meyso.

    Hadaan xitaa iska yara kaftamo waxaan anigu qabaa xitaa hadii Shantii Soomaaliyeed la’isku keeno in aanay Majeerteenka iimaansan doonin in Shanta oo sidooda ah wax lagu qeybsado. Waxay lasoo istaagi doonaan aan xuduudo isirnimo sameysano. Daarood, Dir, Hawiye, Digil iyo Mirifle iwm…kkkkkk ku kalsoonaan maayaan iney Italian Somaliland wax la qeybsadaan oo shaxda sidaas kusoo galaan. Walee Soomaali wareer ayaa sugeysa. Kkkkkk

    Hadaan in yar usoo laabto Madaxweynenimada Puntland. Iskaba dhaaf Gabooyaha, Dirta, Daaroodka iyo Hartiga kale ee meesha idinla degen ama sheegataane, maxey Majeerteenka kale een Maxuud Saleebaanka aheyni ee dhul iyo Puntlad ayidsan meesha ku leh, xaqna u leh iney wax xukumaam Madaxweyne loogu dooran waayay?

    Jaaleyaal you have your cake and eat it.

    Siyaasada kolkey timaado, beerka jecli, xeydha jecli kuma shaqeyso.

  7. AHMED SHIINE, MAHADSANID, WAAR SHALAY WIXII KU DHACAY DHOOBO DAAREED SOWDIGII OGAA, SOWTA UU KA DHEEREEYEY GUUXIISA , ILLEEN MIIDAAMO DHEGO MA LEH , HADDII MALAG DHAWAAQAAYO, ODAYGII DHOOBO DAAREED SOWTII UU KABO-KA WAAWEYN XIRTAY OO SIDA XAWAYAANKA DHIIGIISA LA WADHAY EE HADDANA LA YIDHI HEELLADA INNOO TUMA OO MID KALE LA KEENAY, IYADA OO AAN DHIIGGI LAGA MAYDHIN, MA TAASAA WALAALTINIMO MA TAASAA PUNTLAND, AHMED KARAASH QUDHIISA MEEL XUN BUU KA SOO NOQDAY, WALLAAHI INAANAY WAXBA U REEBEEN HADDII AANU ODHAN , ENOUGH IS ENOUGH, ISHII DHURWAAGA ( DHOOBO) BAAN ARKAYEY. ADEER DHULBAHANTE GOD BAA BIYO UGU GALEEN, CAQLIGOODA BAY QABAAN,

  8. @@@@ Ali Jama & Ahmed Shiine

    Horta, waan ogahay in Dhulbahante wuxuun ka degaan Ceerigaabo laakiin aniga macne weyn ii sameynmayso, mana filayo inay miisaan weyn ku leeyihiin, waxaa macne sameynaya waa xadka sool iyo Togdheer ilaa gudaha Itoobiya. Intaas ma ii sheegi kartaan hal tuulo oo Dhulbahante iyo Isaaq wada degaan?

    Itoobiya iyo Kenya waa labo dal oo madaxbannaan oo si caalami ah loo aqoonsan yahay laakiin Somaliland sidaa ma aha. Sannadkii 1959 ayaa calanka buluugga ee xiddigta cad laga suray Hargeysa; 26 June 1960 waxaa si rasmi ah looga taagay Hargeysa oo ka mid ah Jamhuuriyadda Somalia, ee ma ahayn jamhuuriyad la yiraahdo Somaliland. Waxaan wanaagsan in marka aan innagu doodayno aynaan isu sheegin sheeko xariirta ajaanibta loo sheego.

    Dhulbahantena Jamhuuriyadda Somalia iyo midnimo Soomaaliyeed buu aamminsan yahay.

    Tan kale, Isaaq iyo Dhulbahante inay kalaguursadaan oo isdhaleen waa ogahay laakiin Soomaali oo dhan intii deris ah ayaa sidaas ah. Waynu ognahay in dhaqanka Soomaalida markii arrintu gasho siyaasad iyo qabyaalad, la iska illoobo xididtinimo iyo reer abti. Waxaa tusaale kaaga filan Dr. Maxamed Cabdi Gaboose awoowgiis ayaa Mudug yimid isagoo fakad ah isla markaana isaga iyo aabbihiis iyo walaalihiis oo dhan waxay ku dhasheen Mudug, kulligoodna Daarood baa dhalay, haddana, caadifad qabyaaladeed baa qaadday oo uu SNM ugu biiray. Waan dhegaystay saddexdiisii wareysiba. Si wanaagsan buu u hadlay. Hibada maskaxda iyo balaaqada uu ku hadlo waxay kasoo jeeddaa dhaxal hidde reer Mudug.

    Aniga hadalkaygu wuxuu ahaa jawaab ku socota nin aan u fahmay inuu Dhulbahante ahaa. Waxaan filayaa inaan Dhulbahante difaac uga baahnayn rag Isaaq ah oo weliba mintidiin ku ah gooni-isutaagga Somaliland. Marka, wixii Dhulbahante khuseeya ha loo daayo inay iyagu ka jawaabaan.

  9. IIDOOR WAXAA KIBTIYAY CAADAQATAYAASHA DHULOOS SIDA INA KOORE, BAASHE IYO QADAR KALE.
    IIDOOR WAA CADOOW DAAROOD NECEB MANA KALA JECLA KAN KA SOO HORJEEDA IYO KAN KA JIRA.
    WAAD OGEYDEEN CALI SANDULLE SILACI UU KU DAMBEEYAY.
    QOF WALBA MAALIN AYUU OGAAN DOONAA IN IIDOOR CADOOW TAHAY.

  10. A.Arar

    Horta anigu Dhulbahante qabiil ahaan uma difaacayo. Laakiinse siyaasad ahaan ayaynu uga hadleynaa. Waxaa tidhi sheeko xariir yeynaan isku sheegin. Soomaali maxamed oo dhanbaa wada qirsan in Labo Wadan wax isku darsadeen oo Ingiriis iyo Talyaani kala xukumayay. Adigu taas hadaad is diidsiineyso Adey ku jirtaa. Dhulbahantana Soomaaliya ma wada aaminsan. In yar baa ka aaminsan. Sadex dhan ay u kala safan yihiin waxa ugu badan inta Somaliland raacsan.

    Dooda Xuduud isireedka eed la ordeysaana horena uma jirin imika noqon meyso. Dood aanan soconeyn weeye taasi.

    Afar siyaalood ayay Soomaali u heshiin kartaa waa Shantii Soomaaliyeed oo isku yimaada. Taasoonan imika ifafaaleheedu xitaa muuqan wakhtiga dhow iyo ka fogba. Sadexda imika madaxa banaan ee soo hadhey oo meel iskugu tumaada. Taasoonan macquul aheyn. Waayo Jabuuti sinaba taas u aqbali kari meyso. Somaliland iyo Soomaaliya oo dib wax iskugu darsada. Taasoo iyaduba kasii fog Jabuuti oo miiska iskeenta. Somaliland iyo Soomaaliya oo kala faatexeysta isna aqoonsada. Tanaaneyna aakhirka ku biyo shubaneysaa. Laboo dal oo madaxbanaana kala noqda.

    Intaas oo siyaalood oo dhan ma si jirto hal mar oo Sool iyo Sanaag ka go’i karaan Somaliland. Sxb Araroow, Dhulbahante iyo Warsan geli waxa ay Ku go’aan Somaliland ama hala jeclaado ama yaan la jeclaan. Rabitaan ama damac ku dhisan Qabiil iyo naawilaadeedaba waa wey Jiri kartaa. Laakiinse waxba kama bedeleyso xisaabta meesha taala. Xuduud cusub oo isirnimo ku saleysanina wax soconaya ma’ahan. Puntlandna heli meyso, cid kaloo cusubina heli meyso. Sool iyo Sanaagna waa la wada degen yahay. Ama dhul daaqsimeed la wada isticmaalo oo Ab ka Ab la wada lahaa ha ahaato ama degmooyin la kala degen yahay ama toolinba. Caqliga ma geli karto in Sool lakala jaro, Sanaagna la kala jaro. Labada Gobolba Somaliland ayay xuduudkeeda ku jiraan, halkaas ayayna weligood iyo waaqood ku jirayaan. Hawiye, Daarood iyo Isaaqbaa wadamo dhow ah ayay ku kala nool yihiin. Daarood, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya iyo Somaliland. Hawiye, Soomaaliya, Ethiopia, Kenya iyo Somaliland. Isaaq, Somaliland, Ethiopia, Jabuuti iyo woxoogey Kenya ku nool. Xitaa eeg Qabiilada kale ee sida Samaroon iyo Ciiseha. Waxey kala degaan Somaliland, Ethiopia iyo Jabuuti. Wax Hari Woqooyi u diidaya in halkuu Illaahay ku beeray oo Somaliland ah ka mid ahaadaan oonan damac Qabyaalad ku saleysan aheyni ma Jiro. Sida Qabiilka Afrika ugu badan ee Zuluga la yidhaa isticmaarkii xuduudo u kala dhex dhigay ee wadamada tiraha badan uga mid yihiin imika ayuu Qabiilada Soomaalidana Isticmaarkii xuduudo kala dhex dhigay. Qolo kastaa waxay ku gowracan tahay in bartey khariirada kaga yaalaan ka mid ahaadaan.

  11. Wiil Waamo

    Illaahay adiga waxaan kaaga baryayaa inuu maskaxda ku bugta kuu caafiyo. Daarood iyo Isaaq Illaahay ayaa meel Ku wada beeray oo waa dad aad iskugu dhafmay. Anigoo Reer Hargeysa ah iyo wixii kasii Galbeedeeya ayaa leh caruur badan oon Abtiyo iyo adeerba u ahay oo Harti ah siiba Dhulbahante iyo Warsangeli oo Ilmaadeeraday baa ka guursadey. Ogaadeen ayaanu meelo badan iska soo galnaa. Majeerteen iyo Mareexaana nagama madhna. Kolka Dhulbahante iyo Warsangeli kaga timaado Daarood kale oo badan ayaa Magaalooyinka Somaliland ku dhex nool, ka dhex shaqeysta, usoo dalxiis Taga iyo qaar xitaa xaasaskoodii iyo caruurtoodii soo dejistey si ay meel nabad ah caruurtoodii dhaqanka iyo Diintaba ugu barnaaraan. Soomaaloo dhan ayay kala siman yihiin taas oo Hawiye badanba sidaas ayuu sameeyaa. Qurbaha waxaanu ku aragnaa waalida iyo caruurtoodii oo labo lahjadood Ku wada hadlaya. Waalidkuna you Koonfurta, caruurtuna ta Woqooyiga. Waxeyna noo sheegaan in ay caruurta Somaliland geysteen oo halkaas Afkii, Dhaqankii iyo Diintaba kusoo bareen, Kuna soo barbaariyeen dhul Soomaaliyeed. Taasoon anigu aad ugu farxo. Waayo anba hadaanu degaankeygu nabad aheyn dee deegaanada kale ee nabdoon ayaan caruurteyda heysan lahaa.

    Wiil waamoow, siyaasada kolka laga timaado, Soomaali ayaynu wada nahay. Cid is necebi ma jirto. Qurba joogta ayay Qabyaaladu xoog ugu baahdey. Hadey kaa dhantay waxaas foosha xun eed ku hadaaqdey Illaahay indhaha hakuu kala furo, hadey diradiraaleyn tahayna ka waantoow. Hadaanad heysan waayo aragnimo kugu filana ood qurbo joogtahayna orod oo noqo oo soo arag dhulkii oo soo wada dawaaf adaa soo arki in dadku weli caadi yahay oo siyaasad uun la’isku heystee.

  12. Ali Jama

    Haa sxb waan ka dheregsanahay taas. Dhoobo Daareed isagu wuu badheedheybee, Axmed Karaash waxaa lagu yidhi, ‘Ninyahow isna qayil. Woxoogeygaaga yarna iska guro. Waxaan farta kuugu fiiqana qabo. Wax intaas dhaafsiisani shaqadaada maaha. Ama waad dhiidhiibsan sidii inan yar ama waad tegi ama intaanu qoorta ku qabano ayaanu kaa tukhaantukhi meesha’. Labadii ayaa lakala dooradsiiyay. Aakhirkiina wuxuu garan waayay meel uu aado. Wuxuuna iska aqbalay toosii. Kkkkkkkkk

    Nimankaas Maxamuud Saleebaan Salaam Sharaf ayaan u taagey. Kolba kii xawaarihiisu ka dheereeya, tubta u toosan ayay qaadsiiyaan. Waar joog oo buuq la’ow ama tag oo hanagu soo noqon ama birta ayaanu kaa asli doonaa. Kkkkk Dhoobo Daareed Birta ayaa laga Ashley. Axmed Karaash shib iska Shen ayaa ku dhacdey. Kkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*