Mas’uul katirsan Puntland oo ka badbaadey qarax gaarigiisa loogu xiray & faahfaahin ka soo baxaysa.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu ka helayno magaalada Galkacyo ayaa sheegaya in qarax gaarigiisa loogu xiray mas’uul katirsan dowladda Puntland.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxaa la sheegay in Gaarigiisa loogu xiray Gudoomiyaha maxkamada racfaanka Gobolka Mudug ee Puntland Maxamuud Cismaan Aadan, waxaana la sheegay in uu ka bad-baaday guddoomiyuhu qaraxa la doonayay in lagu dilo.

Ciidanka ammaanka Puntland ayaa qaraxa kadib goobta ka sameeyey baaritaano ku aaddan qaraxa Miinada ah ee lagu xiray gaariga Guddoomiyaha.

Gaarigia guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka ee gobolka Mudug ayaa la sheegay inuu burbur ka soo gaarey qaraxaasi lamana oga haddii uu jiro khasaare kale oo ka dhashay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*