Maxkamad kutaal Kenya oo xukuntay rag loo haysto weerarkii Westagate mall

Maxkamad ku taalla dalka Kenya gaar ahaan magaalda Nairobi ayaa laba nin oo loo haysto in ay ka dambeeyeen weerarkii Westgate Mall xukunay ka dib maalmo ay socotoy dhageysiga dacwadooda.

Raggaan ayaa lagu  kala xukumay 33 iyo 18 sano oo xarig ah kaalintii ay ku lahaayeen weerarkii sanadkii 2013-kii ee lagu qaaday Westgate Mall ee magaalada Nairobi, kaasi oo ay ku dhinteen 67 qof magaalada Nairobi.

Ragga la xukumay ayaa kala ah Maxamed Axmed Cabdi iyo Xusseen Xassan Mustafa ayaa loo haystaa in ay gacan siinayeen  Al-Shabab.

Garsooraha maxkamadda sare Francis Andayi ayaa labadan nin ku xukumay 18 sano oo shirqool maleegid ah iyo 18 sano oo ay ku kuteysteen taageerada ay siiyeen argagixsada.

Maxamed Axmed Cabdi waxaa lagu xukumay 15 sano oo xabsi dheeri ah ka dib markii lagu helay dambi ah in uu haystay agab caawiyay Al-Shabaab.

Labadan nin oo muddo toddobo sano ah ku qaatay xabsi ayuu Andayi sheegay in sanadahaas laga jari doono xukunnadooda.

Waxaan wali la ogeyn halka uu ku sugan yahay eedaysane saddexaad, Liibaan Cabdullah Cumar, oo horraantii bishan October ay maxkamaddu ku weysay wax dambi ah. Liibaan ayaa waxaa kaxaysatay dabley hubeysan oo aan la aqqoonsan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*