Mid kamid ah wasiiradii xukuumaddii Xasan Cali Khayre afka furtay kana hadlay wasiirada la magacaabay

Sadiq Xirsi Warfa, wasiirkii shaqada iyo arrimaha bulshada dowladda Soomaaliya ayaa kamid ahaa wasiiro habeenimadii xalay ahayd iska waayey liiska golaha cusub ee wasiirada xukuumadda R’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Warfaa oo ka hadlayey xukuumadda cusub ayaa soo dhoweeyey, wuxuuna Alle uga baryey inuu shaqada u fududeeyo isagoona ammaanay wasiirada cusub ee loo magacaabay wasaaradda uu xafiiskeeda wareejin doono ansixinta barlamaanka kadib.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIRKA

Waxaan hambalyo u dirayaa Golaha Wasiirrada ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare, Maxamed Xuseen Rooble. Annigoo soo dhaweynaya hambalyo gaar ahna u diraya Wasiirka magacaaban ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada , Duraan Axmed Faarax , wasiir ku-xigeenka Sahro Xaaji Xuseen iyo Wasiiru Dowlaha, Cabdi Axmed Qasim.

Golaha Wasiirrada waxaan u rajeynayaa in ay u horseedaan ummadda Soomaaliyeed nabad, midnimo, horumar iyo cadaalad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*