MUUQAAL: Deni oo ka quustay DP World qorsheeyeyna in sharci lagu kala boxo & walaaca xiriirka Imaaraadka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa walaac xoogan ka muujiyey dhibaatada ka taagan dekedda magaalada Boosaaso iyo fulin la’aanta heshiiskii horumarineed ee ay wada gaeleen Puntland iyo P&O Ports sanadkii 2017.

Siciid Deni oo shaagay inay soo gaartey cabashada shacabka Puntland ee ku aadan xaaladda dekedda Boosaaso ayaa sheegay inay dheceen wada xaajoodyo ku aadan sidii arrintaan xal looga gaari lahaa inkastoo uu rajo xumo ka muujiyey.

“Waxaa kaloo socda wada hadal iyo wada xaajood ku saabsan xal u helidda shirkadda DP World, taas oo 2017 ay heshiis rasmi ah ku wareejisey xukuunmaddii inaga horaysay barlamaankii xilligaa jireyna uu ansixiyey”, sidaasi waxaa yiri madaxweynaha Puntland.

Dhanka kalena, madaxweynaha Puntland oo ay ka muuqatay inay ka quusteen waxqabadka DP world ee dekedda Boosaaso ayaa caddeeyye inay wada diyaariyeen qoraalo sharci iyagoo la kaashanaya lataliyayaashooda iyo sharciyaqaano caalami ah si arrintaan xal looga gaaro.

“Xukuumaddu waxay aad ula socotey mudadii ay jirtey xaaladda dekedda Boosaaso, dedaal badan ayey gashay, qoraalo badan ayey ka diyaarisay iyadoo la kaashanaysa taliyayaasheeda dhinaca sharciga iyo maamulka ah”, ayuu yiri madaxweynuhu. Ugu dambayntiina madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, waxa uu caddeeyey inay doonayaan in arrintaani aysan saamayn ku yeelan xiriirka Puntland iyo Imaaraadka Carabta ayna ku koobnaato shirkadda DP World.

“Waxaan xogo badan ka ururinay habka suurgalka ah ee arrintaa looga gaari karo xal midaysan oo aan saamayn ku yeelan xiriirka dowladda Imaaraadka iyo Puntland, kaasi oo ku koobnaan doona shirkadda DP World iyo P&O Ports”, ayuu yiri madaxweyne Deni.

Arrintaan ayaana dad badan oo siyaasadda odororsa ku macneeyeen in Puntland ay waddo in dekedda laga saaro DP World isla markaana ay doonayso inuu sii socdo xiriirka ay laleedahay dowladda Imaaraadka Carabta.

DAAWO

2 Comments

  1. Dubey ajnagii joogey ayaa ka cararay, mukulaalahay cuneyn, wax yaalna malaha. xiriirkoodu muxuu tarayaa, xoolahaaga nool ayey bilaash ku qaataa, ma u weydey suuq kale. wax aan basaasnimo aheyn kuulama joogaan walee. hadda iska eri.

  2. Dubey ajnagii joogey ayaa ka cararay, mukulaalahay cuneyn, wax yaalna malaha. xiriirkoodu muxuu tarayaa, xoolahaaga nool ayey bilaash ku qaataa, ma u weydey suuq kale.? wax aan basaasnimo aheyn kuulama joogaan walee. hadda iska eri.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*