Muuse Biixi oo ku soo wajan Sool & Sanaag awaamiir culusna kaga dhawaaqay magaalada Burco.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Musue Biixi Cabdi oo gaarey magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ayaa ka hadlay kufsi & dil Magaaladaas loogu geystay Ugbaad Cali Cabdullaahi oo ahayd hooyo haysta saddex carruur ah.

Muuse Biixi Cabdi aaya ugu horayn shacabka magaalada Burco, ehellada Ugbaad Cali Cabdullaahi & ardayada Jaamacadda uga tacsiyadeeyay kufsiga iyo dilka loo geystay , waxaana uu sheegay in uu aad uga xun yahay, maadaama ay aheyd ardayad Maanta kamid noqon laheyd kuwa qalin jebinaya.

“Waxaan shacabka Somaliland ka tacsiyadeynayaa , gaar ahaan ardeyda maanta ka qalinjabinaysa jaamacadda Burco , gaar ahaan haweenka , dilkii foosha xumaa ee lagula kacay Ugbaad Cali oo maanta kamid ahaan lahayd ardeyda qalin jabinaysa jaamacadda , ayuu yiri” Muuse Biixi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa faray dhammaan hay’adaha garsoorka Somaliland in hawsha sida ugu dhaqsaha badan loo dadajiyo , waxaana uu balan  qaaday in uu  horey ka fuliyo marka uu  ku cadaado dadka loo heysto falkaas.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maalinimadii shalay ahayd bilaabay socdaal uu ku marayo deegaamada kuyaal Bariga Somaliland, waxaana lafilaaya inuu gaaro deegaamo katirsan gobolada Sool iyo Sanaag.

5 Comments

  1. Masha Allah welcome to the Laascaanood, Tukaraq,Yubbe, Badhan, hadaaftimo, Ceerigaabo.

    Garowena Diiradiii kudaawo!

    Soo dhowoow mudane madaxweeyne!

  2. Waqrqabe Adeer Badhan iyo Ceerigaabo soo istaagi maayo Warsangeli ciidankii way joogaan Puntland baa Sool iyo Sanaag na iska leh iyada ayaana difaacanayso si gaara waxaana kuu sheegaya in uusan imin doonin Ceerigaabo iyo Badhan ama waa halkii lagu dili lahaa oo aakhiri uga galban lahaa, kabash kabash.

    • Ridwaan, Ceerigaabo miyaad iska maqashay, miyaadan xishoonayn, meel kale ha jookte, Ceerigaabo halkee ku khaldaysaa, adeer inta aadan wax iska soo qorin wax hubso, oo isla yaab. Siilaanyo miyaanu tegin Laasqorey, iska daa badhan iyo Hadaaftinimo eh.

  3. Yuusuf: Kkk waar nio Ceerigaabi rag baa leh waana dhul harti gaar ahaan waa dhul Warsangeli iyo Reer Darwiish Iidoorka yaryarka ah baa idinkaga jira mooyee magaaladuna dadkeyaga iyo ciidankayga ayaa jooga waliba waxaan kuu sheegaya in ninka Muuse la yidhaah uusan si bardheedh u iman karayn Ceerigaabo iska daa in uu Badhan Iyo Hadaaftimo yimaada e waar qarowga meesha kala taga nimanyahow dhul Harti weeye dhulku dowladiisuna waa Puntaland haday difaacan wayday inagaa ciidankayaga la diyaara oo Muuse qudha ka jarayno haddii uu riyooyinka dhalanteedka ah joojin waayo mandaqadu maahan Waqooyi galbeed Hargaysa iyo Berbera ee waa Maakhir iyo Khaartumo Waqooyi Bari dhulka Hartina cidda soo doonata iyadaa waxay dheefto leh, Kabash kabash.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*