Muuse Biixi oo maanta socdaal ka bilaabay gobolada Bariga Somaliland kuna wajahan ilaa Tukaraq.

Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta bilaabay socdaal dheer oo uu ku tegi doono qaar kamid ah deegaamada loo yaqaan bariga Somaliland ee maamulkiisu ka arrimiyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka soo kicitimay magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ayaa socdaalkiisa ka bilaabay magaalada Berbera, wuxuuna halkaasi ka furi doonaa mashaariic maamulkiisu ka hirgeliyey.

Waxaa la qorshaynayaa in madaxweyne Muuse Biixi uu socdaal ku tegi doono deegaamo kuyaal gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag, waxaana u jeedkiisu yahay u kuurgelidda xaaladda deegaamadaasi iyo inuu u gogol xaaro doorashada golayaasha deegaanka iyo barlamaanka.

Gobolka Sool oo intiisa badan Somaliland gacanta ku hayso ayaa lafilayaa inuu socdaal ku yimaado, wuxuuna u jeedkiisu yahay dhiirigelinta ciidamadiisa ku sugan ilaa deegaanka Tukaraq.

Muuse Biixi Cabdi oo dhowaan markale loo doortay hoggaamiyaha xisbiga Kulmiye ayaa doonaya inuu guulo ka soo hoyiyo doorashooyinka soo aadan inkastoo weli muran ka taagan yahay arrimaha awood qaybsiga beelaha.

11 Comments

  1. Kusoo dhowoow Casuumada Garowe Mudane Madaxweeyne.

    Idoor xiniinyo weeynaa.

    Tukaraq & Boocame & buurawadal kusoo dhowoow.

    Tolkay majeerteen allah baa haween ka wada dhigay.

    • Madaxweyne dhex socda dadkiisa, marka laga soo bilaabo xuduud ilaa xuduud isgu dhex socdaa dadkiisa, oo utegey inuu furo Meshariiyo Iyo madaxweynena an larag isagu fureya meshariyo ama dhexsocoda dadkiisa. Waa kuma madaxweyna dhabta ah Biixi mese Deni?

  2. kkkkkk MUUSE BIXI OO NOQDAY HARTI WAQOOYI BARI
    ————————————————-
    GABAYGII: DADKA UGUMA LIITAANE”e WAY Diriri Waateene”

    majeerten, warsangle. Dhulbahante.
    CIYAAR WAA GALIN DANBE

  3. kkkk saadaalintii suldan@Awlal oo dhab noqoneysa kkkk kkkk. suldan waa ku salaamay adigiyo ustaad Arar aad baa inii salaamayaa. walee wixii aad sheegtey baa dhacaaya kkkkk filim sidiisa kkkkk kkkk. noolow suldan.

  4. kkkk @Mubarik idoorka cisil baa ku yaala kkkkk ayaka iyo hindida waxaa la sheegey inay raga ugu bahal yar yihiin kkkkk kkkkk. qurbaha waxaa nimanka idoor kuwada dhacay waxa la dhaho [ed] saan dakhatar sxbkey ah ka kkkkk maxaa yeeley qaadka dhacankiisaa ka galay oo raganimada ka diley. uk idoorkaa ugu furnin badan soomaalida ku nool naagohoodii waxay ka qeyliyeen cisil yar oon waxba tarin kkkkk kkkkk. duf ku bax nacalatula caleek ma hadal baa kuu banaan kkkkk.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*