PHOTO NEWS-Siciid Deni oo u dhoofay dalka Itoobiya & wararkii ugu dambeeyey ee safarkiisa

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa ka dhoofay garoonka diyaaradaha General Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe iyagoona ku wajahan magaalada Addis ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha kusii sagootiyey Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan goleyaasha Dowladda, Saraakiil Madaxtooyo iyo masuuliyiin kale.

Socdaalka madaxweynaha Puntland ee dalka Itoobiya ayaa la xiriira doorashada Soomaaliya ee 2020/2021, gaar ahaan hardanka madaxda shisheeye ay ku doonayaan cidda ay la doonayaan inay noqoto madaxweynaha Soomaaliya ee doorashooyinka soo socda.

Madaxweynaha Puntland ayaa lafilayaa inuu booqashada Itoobiya kadib uga sii gudbi doono magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, xilli uu sii xumaanayo xiriirka u dhexeeya shirkadda DP World ee gacanta ku haysa dekedda Boosaaso iyo Puntland.

Dubia ayaa markale u yeertay Madaxweyne Deni oo 14 maalmood kasoo maqan, waxaana arrinkaani xiriir la leeyahay doorashada Soomaaliya iyo xal u helidda xaaladda sii xumaanaysa ee dekedda Boosaaso.

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*