Puntland oo ka hadashay dhaqdhaqaaqyada Somaliland ka waddo Boocame & ciidamadii dhowaan u goostay.

Maamulka degmada Boocame ee gobolka Sool ayaa ka hadlay dhaqdhaqaaqyada ay ciidamada maamulka Somaliland maalmihii ugu dambeeyey ka wadeen degmadaasi iyo deegaamada hoosyimada.

Guddoomiyaha degmada Boocame ee Puntland Xayle Xasan Shire, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in degmadu ay nabdoontahay ayna kujirto gacanta ciidanka ammaanka Puntland iyo maamulkiisa.

Guddoomiyaha oo ka hadlayey ciidamo ay soo bandhigtay Somaliland ayaa sheegay inuu jiro nin ka soo jeeda degmada oo gaari dagaal iyo dhowr askari oo u saarnaa ula galay maamulka Somaliland sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in mulkiilaha gaarigaasi dagaal uu awal ka mushahar qaadan jirey Puntland isla markaana uu si shaqsiyan ah u go’aansaday inuu ugu galo maamulka Somaliland, haseyeeshee aysan jirin ciidan iyo gaadiid ay leedahay Puntland oo u goostay maamulka Hargaysa.

Waxa uu uga digey shaqsiyaad ka soo jeeda degmadaasi oo doonaya inay soo geliyaan maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in shacabka Boocame ay yihiin dad reer Puntland aanna aqbali doonin inay hoos tagaan Soomaali-diidka.

4 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*