Puntland oo markii ugu horraysay ka hadashay wasiirada cusub ee Somalia & waxa ay ka filanayso.

Madaxtooyada Puntland ayaa ka hadashay 70 xubnood ee habeenimadii xalay uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya u magacaabay xubnaha cusub ee golaha wasiirada Soomaaliya, kuwaasi oo dhowaan codka kalsoonida loo waydiin doono barlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook ugu hambalyeeyey golaha cusub ee wasiirada Puntland oo uu rajo ka muujiyey inay ka soo dhalaalaan shaqada loo igmaday.

“Xukuumadda cusub ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxaan u rajeynaya muddada kooban ee ay haysato, in ay ku hirgeliso doorashadda la go’aamiyey ee mudeysan, kana shaqeyso adkeynta amniga iyo arrimaha kale ee muhimka u ah dalka” sidaasi waxaa yiri Afhayeenka madaxtooyada Puntland.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli aysan madaxda dowladaha xubnaha ka ah dowladda federalka ah ee Soomaaliya weli ka hadlin magacaabista xubnaha golaha wasiirada dowladda federalka ah ee uu ku dhawaaqay ra’iisul wasaare Rooble.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*