Siyaasi Garlibaax oo si kulul uga hadlay falalka kufsiga ee Puntland farriina u diray madaxweyne Deni

Siyaasi Mohamud Garlibaax oo kamid ahaa Musharaxiintii Madaxweyne-nimada Puntland, ayaa ka hadlay ficilada Kufsiga ee laga soo tabinayo gudaha mandiqada Puntland, isagoona farriin adag u diray Madaxweynaha dawladda Puntland Siciid Deni

“Madaxweyne Deni Kufsiga iyo dilka loogaysto Dumarka Puntland looma dulqaadan karo waxaa lajoogaa markii dambiilayaashaa Maxkamad Military lasoo taagi lahaa si madaxa looga gooyo, Madaxweyne hogaamin muuji” ayuu yiri Garlibaax.

24 saac gudahood labo dhacdo oo Kufsi, dil iyo Afduub gabdho yar-yar ah ayaa mandiqada laga soo tabiyey, iyadoo ay Puntland tahay halka kaliya ee dad kufsi geystay dil toogasho ah lagu fuliyey kadib markii maxkamadi ay xukuntay.

Waxaa jirey kiisas dhowr ah oo ehelada dhibbanayaashu ay ka cabanayeen in musuq maasuq lagu sameeyey isla markaana la sii daayey qaar kamid ah dadkii ka dambeeyey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*