Somaliland oo qaadacday heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo qaramada Midoobey

Golaha wasiirada Somaliland ayaa ka horyimid heshiis ay wada gaareen dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiilka Qarama Midoobay ee Somalia James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), iyagoona heshiis ku tilmaamay mid meel uga dhacaya Madaxbanaanida Somaliland, faro-gelinna ku ah arrimaha gudaha.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeed laga soo saaray Shirka Golaha Wasiirada.

Heshiis ay wada gaareen Soomaaliya iyo wakiilka UN-ka James Swan 15-kii October 2020, oo ku saabsanaa nidaamka wada shaqaynta (Un sustainable development cooperation framework UNCF), kaas oo ay ka muuqato inuu meel ka dhac ku yahay Madaxbanaanida Somaliland, faro-gelinna ku yahay arrimaha gudaha Somaliland.

Sidaa daraadeed, Somaliland kama mid aha dowladda Federaalka Soomaaliya, kamana mid noqon doonto, horena Somaliland way u caddaysay mawqifkeeda, sidaa awgeed golaha wasiirradu waxay beesha caalamka u cadaynayaan inay kala madax-bannaan yihiin Somaliland iyo Soomaaliya.

Muddo soddon sanno ah wax sharci ah, shaqo ah, iyo wax wada lahaansho, lama wadaagin Soomaaliya. Somaliland marnaba dheg jalaq u siin mayso xeelad siyaasadeed, culays dhaqaale iyo mid warbaahineed oo lagu xagal-daacinayo jiritaanka Somaliland.

Golaha wasiirradu waxa uu faray wasaaradaha ay khusayso arrimahaasi inay warbixin qoto-dheer ka keenaan.

Golaha wasiirada Somaliland iyagoo garowsan baahida u qabo shirkado caalamiya iyo iskaashi dhaqaale, waxa uu dood ka yeeshay arrinta diyaaradaha Fly-Dubai iyo Air Arabia oo hore uga hawl geli-jiray Somaliland, balse hay’adda duulista hawada Somaliland shaqada ka hakisay.

Golaha wasiirradu waxay maareeyaha duulista hawada, garyaqaanka guud iyo xeer ilaaliyaha guud ka dhegeysteen warbixinta xogta rasmiga ah ee ku saabsan diyaaradahaasi, waxana uu goluhu xaqiiqsaday in shaqo-ka-hakinta diyaaradahaasi ay tahay arrin sharci madaama aannu jirin heshiis rasmi ah oo hay’adda duulista Somaliland la gashay hay’adda duulista laga leeyahay diyaaradahaasi.

Sidaa awgeed, golaha wasiiradu waxa uu isku raacay:-

1-In hakinta diyaaradahaasi socon doonto inta laga gaadhayo heshiis u dhexeeya labada hay’adood, iyadoo la waafajinayo shuruucda iyo xeerarka.

2-In la xoojiyo heshiis dhexmara labada hay’adood ee duulimaadyada.

3-In laga hawl-galo dhamaystirka heshiiska labada dhinac, iyadoo kor loo qaadayo lana kobcinayo dhaqaalaha .

9 Comments

  1. DIGNIIN!

    Aniga oo ah MADAXWEYNAHA kaligii is magacaabay ee mandaqadda kaligeed is magacawdat ee SSC, ma aqbalaynno heshiis kasta oo ay QM iyo ururada kale ee caalamiga ahi la saxeexdaan federaalka Muqdisha ku mooraysan.

    Dawladdayda SSC way ka MADAXBANNAAN tahay federaalka fadhigiisu yahay Muqdisha; sidaa daraadeed, waxa uu heshiiskaasi xad gudub iyo faragalin QAAWAN ku yahay madaxbannaanida iyo jiritaanka dawladda SSC ee wareegta. Waxa intaa dheer, haddii QM joojin weydo faragalinta ay ku haydo dawladdayda oo ay iska dhagatiraan doonista dad kayga iyo dalkayga, waa aan ka fiirsandoonaa wadashaqayn danbe oo na dhex marta.

  2. HILLAAC/RAKE

    “haddii QM joojin weydo faragalinta ay ku hayDo dawladdayda” 🤣 kkkkk

    Si kasta oo aad lahjaddaada ugu taxaddarto, mar uun bay kaa fakanaysaa.

    Teeda kale, haddii aad tahay ‘dowlad’ SSC oo madaxbannaan maxaa kaa khuseeya arrinka Somaliland?

    Beri hore ayaad iskashiftay inaad jeceshahay in SSC ka mid midnoqoto Somaliland. Cid walba waa ogtahay in min Koonfurta Gaalkacyo ilaa Xamar oo tuuladaada Bulacle ugu horreeyso ay hoosta ka taageersan yihiin goonigoosadka Somaliland. Irirsm aan xaqiiq isir oo dhab ku salaysnayn ayaa kaala weynaaday midnimada Soomaaliyeed. Yaa kaaga futo xun haddii Soomaali kalagoogo’do?

  3. Somaliland oo qaadacday heshiis ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo qaramada Midoobey.
    Ka barta Somalilanders, wadad craama iyo sharaf leh.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*