VIDEO-Axmed Karaash,”Dadkaas aad arkaysaan lacag lama siin lamana soo khasbin ee iyagaa madaxweynaha u soo baxay”.

Magaalada Garoowe waxaa isugu soo baxay boqolaal shacab ah oo ka qayb ahaa soo dhoweynta madaxweynaha, waxaana dadka xukuumadda dhaliila sheegeen in dadkaasi la soo khasbay qaarna lacag la soo siiyey.

Haddaba madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin wararkaasi ayna dadku si madax banaan ugu soo bexeen soo dhoweynta madaxweynohooda sida uu hadalka u dhigay.

“Salaan ka bacdi waxaan u mahadcelinayaa bulsha weynta reer Puntland ee isu soo baxday oo xiisa u qabta madaxdooda oo runtii madaxweyne aan kuu sheegayo dadkani iyagaa is abaabuley, guddigu kaliya waa ay isu duwayeen”.ayuu yiri Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa sheegay in shacabka Puntland ay marwalba jecel yihiin madaxtooda, wuxuuna Alle uga mahadceliyey sida nabadgelyada leh ee uu madaxweyne Deni ku nabad keenay Garoowe.

“Dadkaasi ilaa airport ilaa halkaan waa aragtaa waa soo dhoweyn, waa jacayl ay madaxtooda u qabaan, aad iyo aad ayaanna ugu mahadcelinayaa, waxaanna Alle ugu mahadcelinayaa in Alle nabad kuugu keenay” ayuu yir markale madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli maanta magaalada Garoowe lagu soo dhoweeyey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo ku dhow laba bilood safar shaqo ugu maqnaa Muqdisho, Baydhabo, Nairobi iyo safar aan la shaacin oo uu ku tegey Imaaraadka Carabta.

2 Comments

  1. Maanshalaah waa madaxwyene ay dadkiisu jacel yihiin oo ka dambeeyaan. Saciid Dani waa ka darajo sareeyaa kuwaan ka daba waashey waana nin sharaf leh. Waa la arkaa siduu villa wardhiigley geed ugu xiray oo dhuusadii dalka lagu sii daayey uunsigii iyo lubaadintii dal udug ku carfiyey ilaa soomaalida sanboorkii dhuusamareeb ka baxay kkk. Guul Puntland guul. Cadowgeedu ha jabo!

  2. Budhelyn waa budh budhey meesha nagu kala dareeriya dhabayaco kkkkkkkkkkkkkkkkk. Waa aniga ka quustayo meeshaba iskaga cararey kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
    kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk. Yaa Daaroodey! yaa daaroodey! saan u lahayn baanu kaga quusanayee nagu kala kaxeeya meesha.

    5km bay SNM Gadhoowe u jidhaa qaraaboy nagu kala dareersha budhleyn waa budh budhey. Badhan baan caawa ku barjeynayaa kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*