VIDEO: Boqolaal katirsan ciidanka Puntland oo tababar uga furmay magaalada Qardho.

Xubno katirsan golayaasha kala duwan ee dowladda Puntland, taliyayaal ciidan, maamulka gobolka Karkaar iyo kan degmada Qardho ayaa ka qaybgalay munaasabad kooban oo tababar loogu furayey cutubyo katirsan ciidanka booliska Puntland.

Dafcaddii 2aad oo katirsan ciidanka booliska Puntland gaarayana 455 askari ayaa qaadan doona tababarro carbin ah, waxaana tababar socon doona muddo saddex bilood ah looga furay xerada tababarada ciidamada ee Xorgoble Qardho.

Saraakiisha gacanta ku haysa taliska Xorgoble ayaa sheegay in mudada tababarku socdo ay kala saari doonaan ciidankaasi isla markaana marka ay dhammaystaan lagu celin doono xarumihii ay ka kala yimaadeen ee gobolada Nugaal iyo Karkaar.

Mas’uuliyiinta ka socdey dowladda ee goobta ka hadlay waxa ay dhankooda ciidanka ku booriyeen inay ka faa’iidaystaan tababarkaasi isla markaana habdhaqan ahaan iyo shaqa ahaanba laga dareemo marka ay soo afmeeraan.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*