VIDEO: Puntland oo luuqad adag kula hadashay hanjabaadna u dirtay madaxweynaha France.

Puntland ayaa si adag uga hadashay aflagaadhadii uu madaxweynaha France u geystey suubaneheena Muxamed NNKH iyo cidkasta oo isku dayda inay afla gaadhayso Diidnta Islaamka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada dowladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa sheegay inaan loo dulqaadan Karin loona baahan yahay in shacab iyo dowladba umadda Soomaaliyeed isu taagaan difaaca Nebiga SCW iyo diinta Islaamka.

Jirbiil ayaa guud ahaan ugu baaqay shacabka Muslimiinta inay difaacaan sharafta Nabigenna suuban naxariis & nabadgalyo dushiisa ha ahaate, waxa uuna tilmaamay inay tahay wax aan la aqbali karin in meel looga dhaco sharafta suubanaheena NNKH.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*