VIDEO:Madaxweynaha Puntland oo ku dhaawaqay dagaal Puntland geli doonto shacabkana farriin u diray

Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta dib ugu laabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ay ka hortegi doonaan wax kasta oo ammaan xumo sababaya.

Siciid Cabdullaahi Denni, madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in shacabka looga baahan yahay inay isku duubni muujiyaan, isla markaana Ciidamada ay howlgallo ka fulin doonaan meelaha ay Puntland kaga sugan yihiin Ururka Al-Shabaab.

“Puntland waxaa diyaar u tahay inay sugato amnigeeda sidoo kalena ay ka qeyb qaadato dowlad dhisida Soomaaliya, waxaana codsan lahaa in laga wada qeyb qaato sugida Amniga degaannada Puntland lagana howlgallo meelaha ay ku sugan yihiin Al-Shabaab ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*