Wararkii ugu dambeeyey ee gobolka Gedo & ciidanka dowladda oo duulaan saaka…

Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Gedo ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay ay howlgallo culus ka fuliyeen degaano hoostaga degmada Buurdhuubo ee gobolkaasi Gedo.

Waxaa howlgalladaani bilowdeen kadib markio xubno katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen degmadaas, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab.

Taliyayaasha ciidanka ayaa waxa ay sheegeen inay howlgalka ka sameeyeen degaano hoostaga degmada buurdhuubo, isla markaana howlgalkooda ay ku baadi goobayeen xubnaha ka tirsan Al-Shabaab ee weerarka kusoo qaaday degmada buurdhuubo.

Saraakiishu ma sheegin dad ay howlgalkaas kusoo qabteen, hayeeshee waxaa ay sheegeen inay tageen dhowr tuulo, oo ay Al-Shabaab isaga baxeen, kuwaas oo ay howlgallo gaar ah ka fuliyeen

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*