Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Garoowe & qaar kamid ah xaafadaha magaalada oo caawa kala xirmay.

Qaar kamid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa caawa kala xiran kadib roob xoogan oo saacadihii la soo dhaafay siyaabo kala duwan uga da’ayey xaafadaha magaalada.

Xaafadaha dhanka Koonfureed iyo waqooyi ee magaalada Garoowe oo ah kuwa ugu badan ee roobsaday ayaa waxaa weli ka da’aya roob aad loogu diirsaday isla markaana hakad geliyey isu socodka dadka iyo gaadiidka

Inkastoo roobku uu bilowday halkii saac ee habeenimo wuxuu ahaa mid marba soo laba laabanaya una kala badnaa xaafadaha ay magaalada Garoowe ka kooban tahay, waxaana xaafadaha qaar fariistay biyo u badnaa kuwa tarniiga guryaha ka soo rogmey.

Raxmadda Alle ayaa noqonaysa middii ugu horreysey ee nurkaan ka da’da magaalada Garoowe oo maalmihii ugu dambeeyey aad looga cabanayey kulayl iyo biyo la’aan aad u baahsan oo magaalada laga dareemay guud ahaan.

1 Comment

  1. Khayr weye raxmadka Eebe ilahay aman & cafimad ha ku siiyo Raxmadka ka day garoowe & dhaman kulka ummada somaliyed ku noshay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*