WARBIXIN: Khilaafka wasiirka ganacsiga & rugta ganacsiga Puntland iyo faragelinta Axmed Karaash.

Wasiirka ganacsiga iyo wershedaha Puntland Cabdullaahi Cabdi Xirsi ayaa dhowaan soo saaray war qoraal ah oo uu ku kala diray mas’uuliyiinta rugta ganacsiga Puntland isagoona ka dalbaday inay doorasho isu diyaariyaan.

Cabdullaahi Cabdi Xirsi Warsiirka ganacsiga iyo wershedaha Puntland ayaa sheegay in guud ahaanba uu kala diray madaxda rugta ganacsiga Puntland kadib markii waqtigu ka dhammaaday waxaana arrintaan ka biyo diidey guddoonka la kala diray oo sheegay in amar madaxweyne lagu kala diri karo.

Maxamed Cayidiid Jaamac guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland ayaa waraysi uu bixiyey ku sheegay in aysan wasaaraddu sharci u lahayn kala diristooda ayna kaliya shaqada ku waayi karaan wareegto madaxweyne.

Guddoomiyaha rugta ganacsiga Puntland ee waqtigiisu dhammaaday ayaa sheegay in qorshuhu ahaa in 20-ka December ay diyaariyaan guddiga doorashada ayna doorashada guddoonku qabsoonto 20-ka bisha January ee sanadka 2020.

Ugu dambayntii madaxweyne ku-xigeenka ahna ku-simaha madaxweynaha dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa buriyey kala diristii uu madaxda rugta ganacsiga ku sameeyey wasiirka Ganacsiga ee xukuumadda Puntland.

Axmed Karaash ayaa guud ahaanba joojiyey wareegtooyinkii wasiirka ee kala dirista hoggaanka rugta ganacsiga Puntland oo xilligoodii dhammaaday, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in ay dardargaliyan shaqooyinka horyaalla.

Dhanka kalena, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka codsaday wasiirka ganacsiga iyo warsadaha Puntland iyo guddiyada ka socda rugta ganacsiga inay ka wada shaqeeyaan qabashada doorashada rugta ganacsiga.

3 Comments

  1. somaliland oo sii deysey dambiilayaashii kufsi waradeedka u geystey CAAWO XARIIR RAAGE oo ah 13 jir. waxaa siideenta qiil looga dhigay in ay inanta da’ada yar ay tahay mental handicap.

    what a sham and a shame. A judge in puntland would never let such a dirty criminels off thé hook even if they gang rape a mentaly handicapéd goat.

  2. Maxuu Yahay Xidhiidhka Ka Dhaxeeya Doorashooyinka DFS Iyo Rugta Ganacsiga Puntland…Dad Aan Aqoon Iyo Xirfad Midna Lahayn Oo Qabiil Kursi Ku Jooga Markay Talada Ummad Qabtaan Waxay Sameeyaan Waxyaabo Maskaxda Qofka Soomaaliyeed Ka Yaabinaya…..Umaddan Eebbe Ayaa U Maqan Inta Jaahil Shahaadadiisu Jaamacaded Tahay Waa Reer Hebel Wax Hoggaaminayo….Puntland Waxay Hadda Ka Mid Tahay Maamulka Dadka Hoggaanka Hayaa Ugu Aqoon Liitaan Sida Guddoomiyaha Baarlamaanka , M/Xigeenka, Wasiirada, Iyo Xubnaha Golaha Shacabku Marka Loo Barbardhigo Galmudug, Hir-Shabeelle Xubnaha Barlamanka Cusub, Iyo Koonfur Galbeed…..Reer Puntland Sababta Ay U Oggolaadeen Inay Dadka Ugu Aqoon Liitaa Hoggaanshaan Ayaa Dad Badan Ku Sheegaan “QAbyaaladda”…

  3. Kan yadhee C/wali malaha madaxaa looga jidhaa. You really are the mentally ill more than anyone else. You can’t even stay on the current topic. Your tribalism disease is eating you internally.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*