Wasiiro looga yeeray barlamaanka Puntland & madaxweyne Deni oo la yimi qorshe uu su’aalaha barlamaanka isaga furfurayo

Guddiga Qorsheynta, siyaasadda iyo xiriirka Caalamiga ee golaha wakiillada dowladda Puntland ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda qorsheynta, horumarinta dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah ee dowladda Puntland.

Wasiir Cabdulqaadir Xaange oo uu weheliyey agaasimaha guud ayaa waxaa wax laga waydiiyey shaqooyinka Wasaaradda, caqabadaha haysta iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka wada shaqayneed ee kala dhexeeya golaha wakiilada Puntland.

Mudadii uu socdey kulanku waxaa wasiir Xaange soo bandhigay qorshayaal u degan wasaaraddiisa iyo waxyaqabadkiisa, waxaana arrinta ugu muhiimsani ahayd in arrintaani ay iswaafaqaan waxqabadka iyo qorshayaasha uu berri barlamaanka ka hor jeedin doono madaxweyne Deni.

Maalmihii ugu dambeeyey golaha wasiirada ee xukuumadda madaxweyne Deni ayaa booqashada ku badiyey barlamaanka oo ay u gudbinayeen qorshayaal kala duwan, waxaana weli taagan cabashada shacabka ee sicir-bararka, dhaqaale xumida iyo taya xumida qaar kamid ah wasaaradaha dowladda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*