XOG-Imaanshihii madaxweynaha Puntland ee Garoowe oo dib u dhacay & kooxo loo abaabuley soo dhoweyntiisa.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo lagu wadey inuu maanta soo gaaro magaalada Garoowe ayaa dibu u dhac kuyimid dib ugu soo laabashadiisii deegaamada Puntland.

Madaxweyne Siciid Deni oo muddo laba bilood ku dhow safar ugu maqnaa Muqdisho, Baydhabo, Nairobi, Dubai iyo Nairobi ayaa la qorsheeyey in si meeqaam sare leh loogu soo dhoweeyo deegaamada Puntland.

Shirkii Khamiis laha ahaa ee golaha wasiirada Puntland ayaa lagu lagu magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo waftiga madaxweynaha soo dhoweyn ballaaran u abaabulo, iyadoona loo sababeeyey guulihii uu ka gaarey arrimaha Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in madaxweynuhu berri ku soo wajahan yahay magaalada Garoowe isla markaana uu maanta u dib dhacay sababo la xiriira qorshayaal uu ka wadey magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Nairobi kulamo ku lahaa diblumaasiyiin, siyaasiyiin iyo shaqsiyaad danaynaya arrimaha doorashada Soomaaliya, waxaana xusid mudan inuu kamid yahay shaqsiyaadka la safan garabka Imaaraadka Carabta ee doorashada Soomaaliya.

Xaafadaha Garoowe ayaa laga diyaariyey xoogag waddaniyiin ah oo berri garoonka diyaaradaha ku soo dhoweyn doona madaxweynaha Puntland, waxaana dadka hor boodaya ay dhaqaale xoogan kaga qaateen guddiga loo xil saaray soo dhoweynta madaxweynaha.

4 Comments

  1. Magaca ba war kani maxuu ahaa qooraha taag, adeer ma tanzania ayaad ka timid adna waa yaabe, maxaa kaa galay tuugo aan wadaniyad lahayn, oo imaaraat u shaqeeya, waxaa layiri “danti mooge mara duuga horteed ayuu dhamaadaa” hadde waliba laga yaabee inaad qaraabada la nooshahay, dantaada garo danti mooge, in wax laga sheego hogaamiye kooxeed yadan dalka gatay waa waajib.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*