XOG: Somaliland oo qorsheynysa in ay qabsato degmadii u dambeysay ee G. Sool kana maqnayd gacanteeda & Puntland oo dhabarka jeedisay.

GAROOWE(P-TIMES) – Wararkii u dambeeyey ee laga helayo dhinacyada Garoowe & Hargeysa ayaa daaha ka rogaya in ay ciidamada Somaliland oo xoojinaya maleeshiyaad u dhalatay degmada Boocame ee gobalka Sool ay qorsheynayaan in ay la wareegaan talada deegaankaas 3da maalmood ee nagu soo aadan, ayna doonayaan in ay si toos ah looga hirgaliyo adeegyada wasaaraddaha kala duwan ee Somaliland.

Isku duba ridka qorshahan oo socday 3dii bilood ee lasoo dhaafay ayaa hadda hirgalay, waxayna wasiiro katirsan Xukuumadda iyo ciidanka Somaliland saraakiishoodu isku raaceen in aan la muujin awood ciidan xoog leh, ka horse la abaabulo bulshada deegaanka oo rabitaanka la abuuro in uu dhankooda ka yimi.

Maleeshiyaadkii u dambeeyey oo kusugnaa degmada Boocame, kana tirsanaa Puntland ayaa uga diga-rogtay Somaliland maalmo kahor, isla xalayna waxay bilaaben taabagalinta qorshaha la wareegida Boocame ee Somaliland.

Ciidamada xoojinta ah ayaa xalay kasoo baxay deegaanka Gooja-Cade, waxayna maanta galinka hore tagayaan magaalada Boocame, halkaas oo ay shir gaar ah kula yeelan doonaan bulshada magaalada oo ay kala hadlayaan arrimaha ku wajahan dhaqdhaqaaqyadan.

Qorshahan qabsashada Somaliland ee degmada Boocame oo soo bilowday dhammaadka sannadkii hore, ayaa hakad galay markii Somaliland ay gashay wada hadalo ay la lahayd dawladda Faderaalka ee Soomaaliya, laakiin hadda ayuu u muuqda mid guuleysanaya.

Puntland ayaa iska diiday soo jeedin uga timi sarakiil u dhalatay deegaankaas oo ku wajahnaa in laga difaaco deegaankan, waxayna sheegeen in aysan hadda diyaar u aheyn in dagaal cusub la galo waqtigan la joogo.

Wasiirka Duulista Hawada & garoomada ee Puntland Cismaan Lugatoor ayaa dhawaan u sheegay Madaxweyne kuxigeenka in looga baahan yahay in arrintan wax laga qabto, balse sida ay wararku cadeynayaan dhanka Madaxtooyada ayaa kuwargalisay Luga-Toor joojinta wax u e’eg dhaqdhaqaaq ciidan oo ay sameeyaan dadka uu kasoo jeedo.

4 Comments

  1. PL dhib iyo dhimasho iyo dagaal hadda diyaar umahan, kulamana talinayo inay waqtigan dagaal gasho. Waxaan kaloo kula talin lahaa inay sidoo kale faraha kala baxdo doorashada xubnaha Federalka deegaanadaas una oggolaato in sida W/Galbeed iyo Togdheer loogu soo doorto Xamar…..

  2. Waa run bulshada walaalaha ah taan la khiyaamin
    Haddii aan wax loo qaban karin ha la fasaxo.
    Waa ku sheeganayaa waxna kuu qaban maayo
    Waa arin dhinac kasta u daran. Waxba kama dhexeeyaan
    In aan tabar iyo talo isugu gayno oo maamul u samayno iyo in aan fasaxno.

  3. Puntland dhibkeedu waxa weeye, dad iska daayeh xawayaan baan meel kuu fadhiyeyn, haddii aysan kaa helayn daryeel iyo dawladnimo, wasaaradaha Puntland meelna kama shaqeeyaan, mushahar toos ma baxshaan, raashin iyo mashaariic ma geeyaan, miyaanay haysan mise qorshaha uguma jirto, mise salka dawladnimada ayaanay aqoon, ma dadka inay Hartinimo ku haysanayaan bay u haystaan, Anigu ma fahmin, xataa marmar waxaad is odhanaysa malaha naceyb bay dadkaa u qabaan oo dan iyo muraad toona kama laha, waxaanse hubaa in xubnaha gobolladaa Puntland ugu jiraa, yihiin kuwa ugu garasho iyo damiir xun siyaasiyiinta Soomalida ee maamulada kala duwan ku jira. Ma waxay odhan kari waayeen waar dawladda Puntland eey dadka soo siiyaa waxoodii, cashuurna weydiiya, ama ilmaadeeryaal iska fasaxa waa tol eh dhulkaadaa how foof tageen, illeen dad iyo duunyo dhaqasho baa lagu maalaaye, haddii gabadh laguu meheriyo oo Aad iska dhaqaaqdo oo gogol, guri , manfac, iyo ragganimo kaa weydo kuu fadhiyi meyso. Markaa dadka jahawareer baa la gelinayaa. Idinkuna bal si gun ku tashada, talada fiicanna Allah haydin garansiiyo, barwaaqo Alleh iyo Badbaado baan idiin rajaynaya

  4. Waa siyaasada foosha xun ee maxamuud salabeen xukun jecel kuna saleysan inay XUKUN raadiyaan. Puntland ma maamusho sool, ma maamusho qeybo badan oo ka mid ah sanaag. Waxaa imaaneysa QOF iyo COD mar la yiraah kuraastan dhulbahante iyo warsangali xagee ka soo galaan maadama Puntland aysan maamulin goboladaas…. Maxamuud saleeban xaare XUKUN JECEL. Dhulbahante iyagaa dhulkoodii XARASHTEY

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*