Abiy Ahmed oo ciidankiisa ku amray inay duulaan qaadaan & Qaramada midoobey oo ka digtey

Ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa sheegay inuu ciidamadiisu ku amray dagaalka iney u galaan si taxaddar leh ayna qaadaan wax kasta oo ay ku yareyn karaan qasaaraha dagaalkaasi ka soo gaari kara shacabka rayadka ee magaalada Maqale ku nool.

Ciidamada jabhadda xoraynta shacabka Tigraay ee TPLF oo gacanta ku haya magaalada Maqale waxay sheegeen iney dagaalka sii wadayaan oo ay marnaba ciidamada Abiy iisu dhiibeyn.

Dhanka kalena, Qaramada midoobayna waxay ka digtay suurtagalnimada dambiyo daagaal iney ka dhacaan magaalada Maqale inta uu dagaalka uu socdo, sida uu sheegay madaxa xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay Michele Bachelet.

“Runtii waa mid laga argagaxo xaaladda halista ah ee ay ku jiraan shacabka Tigraay gaar ahaan, dadka rayadka ah ee ku xayiran magaalada Meqale, “suurtagalnimada iney dhacaan xadgudubyo halis ah oo ka horimanayo sharciyada xuquuqda aadanaha ee caalamiga”.

2 Comments

  1. Wixii ka dhacay OGADEEN region waa ujeednay, Maqalaaa (mekeley) gubanaysa isn’t a news xagayaga, welcome to the party Maqalaay, Tikreans koobkaad dadka ka waraabin jirteen ka cabba markiina..

  2. TIGREY IYO AMXAARO WAA LABA CADOOW TAA SU.AAL MA LAHA.
    LAAKIIN CADOOWGA TIGREEGA INKASTO
    UU GEYSTAY GABOOL FAL HADDA A WAXUU KUU OGOLAA MAAMUL GOBOLED
    DIINTA ADA IYO LUQADADA AYUU KUU OGOLAA.
    LAAKIIN AMXAARKA KA SII XUN OO HORTA AMXAAR CAANO KUUMA LISAYO OO WAA KU XASUUQAYAA, KUU ANA OGOLA DIINTA ADA IYO LUQADADA MARKA WAXAAN LEENAHAY AMXAARO IYO TIGREE ALA ISKU KIIN JABI OO HA IDINKAA SOO HARTO AFAR GUBATAY OON SOMALIDA KA AWOOD BADNEYN.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*