Barlamaanka Puntland oo u balansan dibu eegista heshiiska DP World & madaxtooyada oo wadda qorshe ay kaga hortegayso.

Puntlandtimes (Garoowe)-Barlamaanka Puntland ayaa saaka u balansan dibu eegista heshiiskii shirkadda DP World ee dekedda Boosaaso, kaasi oo la meel mariyey xilligii ay Puntland ka arriminaysay xukuumaddii Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Kadib kulankii 17aad ee barlamaanka waxaa la go’aamiyey soo hormarinta qodobka quseeya joogitaanka DP world ee dekedda Boosaaso, si xukuumadda wax looga waydiiyo burburka dekedda iyo sababaha ay u fuli waayeen heshiisyadii shirkadda lala galay.

Xukuumadda ayaa waddey qorshe ay kaga hortegayso mooshin barlamaanku ka keenaan shirkadda DP world, maadaama sida horay madaxweynuhu u sheegay ay baahan tahay tallaaba walba in hab sharciga waafaqsan loo qaado ayna la tashanayaan sharci yaqaano ka gacan siiya arrintaasi.

Shacabka Puntland ayaa ka dhur sugaya go’aamada barlamaanka inkastoo warar hoose sheegayaan in xildhibaanada qaar wadaan qorshe lagu joojinayo mooshinka xukuumaddana lagu siinayo fursad ay dhinac ugu riddo xaaladda dekedda Boosaaso.

1 Comment

  1. Deni inuu dullaal weyn yahay oo Imaaraadka,Kenya lacago malaayiin ah kasoo qaatay ayay maqleen,waxayna kaga heli karaan lacag mooshi ka dhan ah Dp World.

    Deni ka rita beesada malaayiinta ah ee uu kasoo helay wadamada shisheeye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*