Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay raali gelinta uu ka helay Khayre baaqna u diray Farmaajo.

PUNTLANDTIMES (MUQDISHO)-Hoggaamiyaha xisbiga Wadajire ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka hadlay kulan uu xalay magaalada Muqdisho kula yeeshay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Xasan Cali Khayre, ayaa intii uu kulanku socdey raaligelin buuxda ka siiyey musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur weerarkii ay ciidamo ka tirsan dowladda ku qaadeen gurigiisa, intii uu Kheyre madax ka ahaa xukuumadda.

Haddaba Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa markii kulanku soo dhammaaday faahfaahin dheeraad ah ka bixiyey raaligelinta uu ka helay musharax madaxweyne Xasan Cali Khayre.

Waxaa caawa xarunta Xisbiga Wadajir nagu soo booqday Raysalwasaarihii hore ee Soomaaliya, ahna musharax madaxweyne Md Xasan Cali Kheyre. Kheyre wuxuu cudurdaar iyo raali gelin ka bixiyey weerarkii 17 Dec 2017.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu baaqay dhamaman madaxda kale ee dowladda Soomaaliya inay ku daydaan Xasan Cali Khayre maadaama ay khaladaad badan gaelen. “Waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta kale ee dawlada ee weerarka ku lug lahaa in ay fursadan oo kale weli u furan tahay.”

Weerarkan oo 17-kii December 2017 ay fuliyeen ciidamo ka tirsan Nabad-Sugidda,  ayaa waxaa lagu dilay 6 ka mid ah ciidamada ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayada oo sidoo kalena isaga lagu xiray.

3 Comments

  1. Somalidu waxay buunbuniyaan xumaanta
    Ninkan badii saxiixay waxay ahayed
    Inuu maxkamad lalatigsado
    Oo xaataa aan lo ogolaan fursad
    Laakin somalidu qabyalad baadilotay
    2
    Khayre waa nin NGO ah oo hadba opportunity
    Gaade ah balanlaawe ah reer puntland wayaqaanaan khayre oo kale kenya immaratka
    Iyo cadowga somalia ayuu hosta kala shaqay
    Intii uu fadhiyay kursiga farmajo ayaa free
    Kadhigay oo moday wiil hog Norway baa
    Leh isusharax president of Somalia siaay
    Kenya iyo ayada Norway uqaatan qayradka dalka somalia …. see continue.

  2. C C Warsame
    Waa Jaahil indha adag indho uu wax arko ma lahan, dhego uu wax ku maqlana ma lahan.
    Waa micna beeshey Qayladiisii.
    Kheyre waa Saqiir damcan Siyaasadda iyo Dowladnimada.
    Hadda Kheyre dhaawac ka soo gaarayo dadka oo dhan ma wada garan karaan, dadka wax indha indheeya ayuun baa garan kara arrintaas
    Waxaan maqli jirey hees aheyd Xildhibaanoow Xaal qaado,hadda waxaa waaye Siyaasadeey,Aqooneey Xaal qaado.
    Ma garaneysaan arrinta Kheyre raali gelinta ku bixinayo waa lagu qasbay Waxaana lagu yiri shirka Inta Damiirka daran ku yeelanayaan Xamar kama qayb geleysid Kheyr laawe haddii aadan Bad iibsade raali gelin,sidaas bay ku yimid,
    Dhinaca kale inta shireysa waa wada mushariixiin mid midka kale wax u ogol ma jiro,sidaas awgeed waxaay ka dhaliyeen Kheyre Goal cajiib,si uusan kaalin weyn ugu yeelan Doorashada oo uusan iyaga igu ciriirin booska musharaxnimada,waayo waa nin dhulka lagu jiidey mar labaad, markii horena waa tii ay ku sameeyeen Brain wash oo uu xilkiisii ku waayey Kheyre markii ay ka dhaadhiciyeen Madaxweyne baan kaa dhigeynaa ka hor imoow sharciga Doorashooyinka Hal Cod iyo Hal Qof!!
    Kheyre weli ma korin, he seems Abortion Child politically.

  3. @@@@ Daahir Jama?

    Does ‘abortion child’ come out of mum’s womb alive?
    At least Mr Shakur is middle-aged, grey haired, and live and kicking!

    As far as I know, C.C.Shakur has a master’s degree; speaks English and Arabic fluently and is well versed in religious knowledge.

    You know I do not hail from Mugadishu but Allaah says: ﴾.وَإِذَا قُلْتُمْ فَاعْدِلُوا وَلَوْ كَانَ ذَا قُرْبَىٰ﴿

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*