Ciidanka dowladda oo duulaan qaaday & Gen Odawaa oo ka hadlay.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxa ay howlgallo qorshaysan ka fuliyeen degaanka geel-gub oo qiyaastii 10-km ujira degmada cadale oo ka tirsan gobolka shabeelaha dhexe.

Taliska ciidanka ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka uu ka dambeeyay, kaddib markii ay ka warheleen Ciidamada weeraro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isa markaana howlgalkooda ay ku dileen 8 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab qaar kalena ay nolosha ku qabteen.

Gen. OdowaaYuusuf Raage, taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya ayaa sheegay in ciidanka ay gacanta ku soo dhageen Xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkii ay wateen oo weraro ay ku fulin jireen.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in Ciidanka wali ay sii  wadaan howlgalka ka dhan ah Al-Shabaab ee Ciidanka xoogga dalka ay dagaalka  kula  galeen fariiisamaha ay ku yalaayeen degaanka (geel-gub).

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*