DAAWO-Dowladda Somalia oo hadda cayrisay safiirkii Kenya una yeeratay danjirihii u fadhiyey Nairobi.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa caawada qaaday mid kamid ah go’aamadii ugu kharaaraa ee diblumaasiyadeed xilli uu dalku marayo waqti kala guur ah loona diyaar garoobayo doorashada madaxtinimada.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku dhawaaqday inay cayrisay safiirka dalka Kenya u jooga Soomaaliya, iyadoona safiirkii Soomaaliya ee Kenya Tarsan looga yeeray magaalada Muqdisho si kulamo wadatashi ah ula qaato madaxda Soomaaliya.

Cayrinta safiirka iyo u yeerista safiir Tarsan ayaa dowladda Soomaaliya u cuskatay faragelinta dowladda Kenya ay ku hayso Soomaaliya gaar ahaan deegaamada Jubbaland gaar ahaan cadaadiska ay saarayso madaxweynaha Jubbaland Axmed Mxamed Islaam.

3 Comments

  1. Waa arrin mar hore loo baahnaa,laakiin haddana waan soo dhaweynayaa,waayo Dowladda Kenya waxaay si waalli ah ugu xad gudubtay Qarannimada iyo Madaxbanaanida Soomaaliya, taas oo ah wax aan marnaba la aqbali karin.
    Dowladda Soomaaliya in badan bay xeerisey Derisnimada, xiriirka labada Waddan ee deriska ah,laakiin Dowladda Kenya ma ka fekerin marnaba in Soomaaliya tahay waddan Leh Qarannimo iyo Madaxbanaani! Waxaana muujinaya hab dhaqanka Kenya iyadoo Faragelin aan caadi aheyn ku sameeysey Arrimaha Gudaha Soomaaliya, xattaa iney isa siiyey qayb ka mid ah Dhulka Soomaaliya.
    Adduunka waxaa ka jira Qawaaniin Caalami ah sida International law ( Public International law, United Nations Charter, Diplomacy Geneva Conventions)
    Dowladda Soomaaliya in badan bay sameeyey dulqaad badan,laakiin Dowladda Kenya waxaay maalinba maalinta ka dambeysa qaadeysey Tillaabooyin xad gudub ku ah Dowladnimada Soomaaliya, Qarannimada Soomaaliya iyo Madaxbanaanida Soomaaliya.
    Somalia is a Sovereign State, Somalia has National Government,and legitimacy National Institutions, Somalia Government is not puppet Government.
    Kenya government has been using Some stupid Guys who are pretending as they are Somali, but the fact they are Stooges, Traitors, Spoilers and looters and they are tools and used as real Tools.
    I’m very delighted with the news coming out of Somali Government,concerning Kenya Government.
    If there’s no mutual respect each other, I don’t think it’s possible Somalia Government to tolerate Kenya Government behaviour.
    Because tolerance is a important but it’s not forever,that’s why Somalia Government takes decisions today, I know it’s to late but it’s very welcome.

  2. BIYO INTAYSAN KU SOO GAARIN BAA LAYSKA MOOSAA! Jileeca badanna aad baa looga fiican yahay.

    Waxa ay isoo xasuusisay ninkii dharka oo dhan lagala baxay ee hoosgashiga loo reebay, ee markii uu islaantiisii u tagay ku tiri, waar maxaa dharkii kaala haray, ee markaa ku yiri, waxa igala baxay TUUG, laakiin haddii ay KASTUUMADAYDA taaban lahaayeen dagaal baan dhigi lahaa.

    Marka, illeen dagaalka siyaasadeed iyo xadgudubyada qaranimada Soomaaliyeed ee Kenya hadda ma bilaabane, maxaa hadda kusoo beegay? Waxa aan umalaynayaa sida ninkaa odayga ah in NIGISKII (KURSIGII) la isugu yimi. Dan Soomaaliyeed iyo qaranimo difaac tani uma muuqata e, dan shakhsi kursiyeed bay u muuqataa. Haddaysan sidaa ahayn, waa hore oo ay Kenya xadgudubyo ka xun kuwan hadda lagu eedeeyey baa tallaabo la qaadi lahaa, oo ay ugu horayso in ciidamada Kenya laga saaro waddanka, iyada oo la raacayo marinnada diblomaasiyadeed.

    Si kastaba, inkasta oo lala soo daahay sida dad badani qabaan, haddana waa arrin soo dhoweyn mudan. Ogaada oo, waxa ay dadku isha ku hayaan heerka ay gaarsiisan tahay tallaabadan geesinimada leh ee aad hadda qaaddeen, khaasatan ciidanka Kenya oo waddanka laga saaro. Kastuumadii baa hadda laydinkugu yimide, bal waa arkaynaa in iyadana laydin kala baxo.

  3. Talaabo geesinimo leh tan laguma tilmaami karo. Tani waa doorasho ku gal iyo bahaa bahaa.

    Ciyi waa ka baryey iga dheh. Kkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*