DAAWO-Guddoomiyaha barlamaanka Puntland oo gaarey Badhan & Garaad Cabdullaahi CC oo aas qaran loogu sameeyey.

PUNTLANDTIMES (BOOSAASO)-Magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey AUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid, afhayeenkii Isimada Puntland kana mid ahaa isimada Soomaaliyeed & aasaasayaashii dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay guddoonka barlamaanka Puntland, xubno katirsan golayaasha dowladda, Suldaan Siciid Cabdisalaan, isimo, waxgaradka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Goobta aaska ayaa waxaa lag jeediyey khudbado u badnaa duco iyo taariikh nololeedka AUN Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada Istaanbuul ee caasimadda dalka Turkiga.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*