DAAWO-Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyey inuu bedeli dooni 4 xubnood ee uu ku daray guddiga doorashada.

Puntlandtimes (Kismaayo)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaamayaa walaac ka muujiyay doorasho ka dhacda dalka, taas oo uu sheegay in aysan jirin wada sax ah oo xilligaan ay ku socoto.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa waxa uu sheegay in dalkaan uu u baahan yahay in la fuliyo hehsiisyadii doorasho ee la gaaray, sidoo kalena la kala saaro sida ay u dhacayaan doorashooyinka iyo ololaha ay wadaan dadka mas’uuliyiinta.

Dhanka kalena, madaxweynaha Jubbaland ayaa waxa uu taageero u muujijiyey bayaankii dhawaan ka soo baxay Musharixiinta MadaxweynahaSoomaaliya ay ku dalbadeen in la kala diro doorashooyinka, si loo qabto doorasho loo wada dhan yahay.

Ugu dambeyn Madaxweynaha jubbaland ayaa waxaa uu ugu baaqay Madaxda Dowladda inay banaanka ka istaagaan Arrimaha doorashooyinka sidoo kalena uu aqbalayo dalabkii musharixiinta Madaweynaha ee ahaa in la bedelayo Afarta xubnood ee Guddiga doorashooyinka dhankiisa ka yimid.

DAAWO

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*