DAAWO-Marxuum Khaliif Ciise Mudan oo maanta aas ballaaran loogu sameeyey Garoowe.

Puntlandtimes (Garoowe)-Magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland waxaa maanta aas qaran loogu sameeyey Allaha u Naxariistee Maxuum Gen Khaliif Ciise Mudan oo dhowaan ku geeriyoodey magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Aaska marxuumka waxaa ka qaybgalay madaxda ugu sarraysa Puntland, golayaasha dowladda, waxgarad, qurba joog, dad ka imaanaya gobolada Soomaaliya iyo qaybaha kala duwan ee bulshada kunool deegaamada Puntland.

Marxuum Khaliif Ciise Muddan oo shalay geeriyooday wuxuu ahaa halyeey mug iyo miisaan weyn ku leh dhismaha dowladnimada Soomaaliya gaar ahaan tan PUNTLAND,waxaana aasqaran loogu samayn doonaa magaalada GAROWE oo xarun u ah dowladda PUNTLAND.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*