DAAWO-Qaab noocee ah ayaa loo toogtey macalin Ilkacase iyo labo kamid ah saaxiibadiis.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Maxamed Xaaji Ilkacase oo ahaa macalin Jaamacadeed kaa soo Maxkamadi ku heshay inuu geystey dilal badan isagoo u shaqaynaya Kooxda Alshabaab iyo laba ruux oo kale ayaa saaka dil toogasho ah lagu fuliyey magaalada Muqdisho.

General Cabdullaahi Buulle kamey Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida oo xukunka Macalim Ilkacase kadib warbaahinta faahfaahin dheeraad ah uga bixiyey fulinta xukunkii qisaasta ahaa ee raggaan horay loogu ridey.

DAAWO

 

5 Comments

  1. ‘Nin balaayo hurshaa, mar uun buu ku baxaa, Cartan Boos ma kanaa.’ Tixdaasi waxay ka mid ahayd markii nin ka mid ah raggii hore oo la oran jirey Cartan Boos oo aan filayo inuu reer Sool ahaa lasoo dul istaagay meydkiisii kadib markii afcas amase baalxaaf (waran) afka ciidda u galiyeen. Cartan Boos wuxuu ahaa nin ku caanbaxay fitno iyo dagaal hurin. Nin ka mid ah raggii soo dul istaagay oo xusuustay ragannimadii iyo shiddadii Cartan Boos ayaa tiriyey tixdaas cibroqaadashada ah.

    Saddexda nin ee tiirka ku xiran ninka dhexe ee madow waa Ilkacase oo aan filayo in Soomaali badan daawatay wareysigii uu uga hadlayey intii uu naf xaqdarro ku gooyey, isagoo ay ka muuqatay inuu yahay sidii nin xitaa aan mulac dilin. Marka uu tiirka ku xiran yahay wuu dhoollacaddeynayaa sidii nin sii og albaabka uu Jannada ka gali doono. Waxay kala caddaan doonta maalinka ay timaaddo:
    ﴾ وَإِذَا الْمَوْءُودَةُ سُئِلَتْ * بِأيّ ذَنْبٍ قُتلَتْ﴿

    Labada kale, kan garka leh wuu deggan yahay laakiin kan kale ee cas waa argagaxsan yahay. Caddaawow, maxaa hooyadaa ku gablantay? Maxaase haddii aad ubad ka tagtay ay ku agoomeen? Maxayse haddii aad xaas ka tagtay ay asay ku qaadday 4 bilood iyo 10 beri?

    Oraah baa waxay ahayd: ragga halkaa ku dagaallamaya, hooyadood waa sida gacantaas (arrad iyo dacdarro ayey la qaawan tahay). Waxaa lagu mashquulsan yahay doorasho iyo xukun raadin, ummaddiina waxaa gumaaday oo naafeeyey oo gablimiyey oo qaxiyey shar indhoshareeran oo aan la aqoon waxa ay doonayaan iyo cidda u talisa amase ay u shaqeeyaan. Ninka maanta kursiga ku fadhiyana weligiisna qorshaha uguma jirin, mustaqbalkana uguma jirto inuu ka shaqeeyo sidii musiibadan ummadda Soomaaliyeed looga dulqaadi lahaa. Ar maaba isaga iyo iyaga isku meel looga taliyaa?

    Soomaaliyey, ha fakerina in dowladnimo idiin dhisanto; aad nabad ku noolaataan; dalkiinna dhistaan oo maalgalisaan; qurbe iyo gaalo aad naftiinna iyo carruurtiinna kala soo carartaan inta belaayada wejiga soo duubatay idin qarxinayso oo haldoorkiinna ugaarsanayso.

    Nasiibwanaag xalay waxaan daawaday dood video ah oo Youtubka ku jirta oo ku saabsan nimankan Soomaali Alle ku salladay. Dooddaas oo soconaysa labo saac ku dhowaad waxaa zoom kaga qaybgalay: Sh Maxamuud Shibli, Sh C/Raxmaan Bashiir (reer Jibuuti), iyo Sh C/Raxmaan Cabdullaahi. Qofkii awooda — madax iyo majoba — waxaan kula talin lahaa inuu daawado. Cinwaankeeda Youtubeka waa: Dood Cilmiyeed| Sheekh Shibli| Sheekh Abdirahman.

    • MAR ARAR, NIN QORAAL FIICAN BAAD TAHAY 80%, MARKA LAGA HALDAYO MEELO XASAASI KU AH OO AAD YARA SOOMAALIYEYSO MOOYAANE, PLEASE MANALA WADAAGI KARTAA, YOUR BACKGROUND
      WHERE YOU BORN AND RAISED
      YOUR PRIMARY AND SECONDARY EDUCATION,
      FURTHER EDUCATION
      FAMILY
      WORK EXPERIENCE ETC

  2. waxaa layaab leh dadka soomaalida is bishali kuwa intabadan wax kuqora social medeah
    iga iyo kuwa is ku magacaabo dow lada iyo kuwa khaarijiya dadka waxay yihiimba waa is kumid kan meesha waxkuqoraayo waa maskax kudhiigle kan dowlada shegtana waa gacankudiigle iyo maskax ku dhiigle war dadku waxaa maskaxdooda kabuuxda wax haladilo acuudubilaahi inka iyo kuwa aad kumaskax datihiin yaakuusheegay nimankan iany waxdileen mise miskiin loobixiyay loomaoo yaan omaalinwalba intalasooqabto lacadaabo kadibna loo yeeriyo waxa uu dhihilahaa ladho waadilaa kadibna lagu xukumo dil si wadamad bixiyo deqahaha argagixiso ladirir ka looga qaato xoogaacag ah war hooy aakhiradaada haku seegina balada kasocoto soomaliya midalabadd adeer dil wax masookordhiyo aan ahey xiqdi iyo kal fogaansho marka warnin aan lahubin cid uudilay yaan lagu farxin dilkiisa midalabaad dhalintii soomaali kuwii qurbahajoogay wax iyagaa ilaayay wax mukhaadaraad baalaayay wax bad baalaqday wax burcadbadeed baalayiri oo waxay ku baabaeen xabsiyo wadamo kale wixii soomaalyooogayna waxqabiil baalagu dabargooyay wax mid aanlagaraneyn oo badaxduuban waxna kuw is ku sheega dowlad warheedhe dhalintu halabadbaadi qof kiilagu helo inuu wax dilay sicab mooyee walee hadii kale waxaad beylah unoqoneysaan kenya iyo ethopea

    • XAQDOON ADIGA LAFTIGAAGA AYAA ARGAGAXISO AH OO XADHID LAGU XIDHO U BAAHAN, FIKIRKAAG KHALDAN EE MADOW LAGAA ABAAL MARIYO, RAGGAN LA DILAY SOWKUWII QIRTAY OO KU FARAXSAN INAY WAX DILEEN, OO HALDOORKII SOOMALI DHAMMEEYEEN, MAXAAD KU QANCI LAHAYD, YAA U YEEDHIN KARA QOF CAADI AH HADAL LAGU QISAASI DOONO, TAN KALE , WAA U MUUQATA QOFKA CAQLIGA LEH IN WAXAN LOO YEEDHIYEY IYO INAY IYAGA KA TIMID, BODY LANGUAGE IYO GESTURE AAN LAGA BEEN SHEEGI KARIN BAA NOO MUQQDAY, HADDIIBA AAD KUWAA U DOODAYSO, ADIGA LAFTAADA DILKAAGU WAA BANNAAN YAHAY

  3. hor baan kuugu sheegay in dad ubateen wada diig yacab marka ku sufahada ah ee adoo kale ah iyo qofkii dila qof muslima xaqdaro ilaah baan ka magan galay wax haladilo wax halqisaaso ilahh ha kabadbaadiyo dad ka kuwa adoo kale ah sabab too ah ku aad sheegeyso ee ku qafiifay dilka daka iyo adi ismadhaan acuudu bilaahi minka mida kale mahi midlagu cabsiiyo waxaadtay argagixis sababtoo ah adaa argagixiso kadaran oo qofkii kudhaha sadd wax u wadid waqaldanyihiin dhiigiisa baneysanaayo marka kan wajiga soo duubtay ee dilka mooyee waxkale aan garaneyn waa adoo kale sababtoo ah cii tirahaa waad qaldantahay wuxuu dhahaa war kuaan laaynaayaa la jirtaa mar kaasuu dhiigiisu baneystaa adaa xanuunku ku hayaa ee ilaah umadu ha kaa badbaadiyo waxaad ogataa qofmuslim oo xaqdaro lagu dilo ayaa ilaah agtiisa ksgawayn in dunida gadoonto nigu marna la igama maqlo war wax haladilo sababtoo ah waxaan gartey oo aad adiga garaneyn waxa weeye dil umadii soomalyeed waadabargooyey ee caqli dil aan aheen la keeno waxaan kaliya ee aan ogolahay qofkii qof dila sicad kaa waxay utaal reerkii wax lagadilay in ay qisaastaan ama daayaan lakii in dhiiga dhalintii soomaali meelaha ay taal xal uma arko lakiin waxaa kaa muuqda in aad adiga dhaamin kuwa wadankii dadka kaqixiyay dil iyo qarax dartii

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*