DEG DEG: Beesha Caalamka oo ka hadashay Muranka Guddiyada Doorashooyinka, Kuraasta S/land, Gedo & Qodobo taagan.

MUQDISHO(P_TIMES) – War qoraal ah oo kasoo baxay Beesha Caalamka, gaar ahaana Xaafiiska Qaramada Midowbay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay ilaalinta doorasho laysla ogol yahay in ay ka dhacdo gudaha dalka, waxayna ugu yeereen dhamaan dhinacyadu in ay tixgaliyaan arrimaha muhimka ah ee hortabinta leh.

“Arrimaha ku saabsan codeynta/doorashada 2020/21 ee heer federaal, waxaan carrabka ku adkeynaynaa muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo jawiga wadar-oggolka kaas oo horseeday heshiisyo la gaaray intii lagu guda jiray wadatashiyadii u dhexeeyay madaxda Dowladda Federaalka ah  iyo Dowlad Goboleedyada ee ka kala dhacay Dhusamareeb iyo Muqdisho. Waxaan dhiirigalinaynaa wadahadal waara oo ku jaan-go’an habka-shaqo ee u degsan Golaha Wadatashiga Qaranka, wadahadalkaas oo lala yeesho saamilayda kale ee muhiimka ah si geedi-socodka doorashada loogusii ilaaliyo tubtiisa, uuna u noqdo mid loo wada dhanyahay” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Beesha Caalamka ayaa adkeysay in loo baahan yahay in guddiyada maamulaya doorashada ay noqdaan kuwa laysla ogol yahay, 30% ay noqdaan Haween iyo dhalinyarro si loo xaqiijiyo matalaada dhammaan dhinacyada oo xooga la saaro.

Sidaas oo kale, waxay dalbadeen in xal waara laga gaaro arrimaha gobalka Gedo sida ay uga dhacayso doorashada baarlamaanka Faderalka ee Soomaaliya, sidaas oo kale waxay cadeeyeen in xal kama dambeys ah laga gaaro arrimaha doorashada Kuraasta Somaliland oo ay sheegeen in ay dhammaan dhinacyada looga baahan yahay daahfurnaan.

“Waxaan si gaar ah u sii adkeynaynaa in xaqiijinta wadar-oggol laga gaaro dhismaha guddiyada maamulka doorashooyinka, oo ay tahay in boqolkiiba 30 ay ku jiraan matalaadda haweenka, iyo xal laga gaaro khilaafaadka ku saabsan sida codbixinta doorashada federaalka uga dhacayso gobolka Gedo iyo [xal u helidda] kuraasta loo qoondeeyey beelaha Somaliland, ay muhiim u yihiin daahfurnaanta, sharciyadda, suurtagalnimada iyo hirgelin waqtigeeda ku dhacda ee geedi-socodka doorashada. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda DFS iyo DGXF, guddiyada maamulka doorashooyinka, odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah inay qaadaan dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka ah si loo xaqiijiyo in ugu yaraan boqolkiiba 30 Xildhibaanada iyo Senetarada ka imaanaya beel kasta ay yihiin haween isla markaana doorashadu ku dhacdo waqtigeeda.” ayaa lagu qeexay qoraalkan.

Wakiilada caalamiga ah ayaa sheegay in ay ku kalsoon yihiin taageerada ay siinayaan dhinacyada Soomaalida, ayna sii wadi doonaan dadaalkooda ku wajahan in doorasho xor iyo xalaal ah ay ka dhacdo gudaha dalka marka la gaaro waqtigooda oo ay bilo kooban ka harsan yihiin.

“Waxaan sii wadi doonnaa in aan la shaqayno dhamaan saamilayda Soomaaliyeed si aan ugu doodno hirgelin hufan oo la hirgeliyo doorasho federal ah oo nabdoon, lagu kalsoonyahay oo ay hogaankeeda leeyihiin dadka Soomaaliyeed, taas oo ku salaysan wadar-oggol iyo ballan-qaadyadii uu sameeyay Golaha Wadatashiga Qaranka” ayaa lagu gababeeyey qoraalkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*