DEG DEG: Duqeyn an kala joogsi laheyn oo ka socota Makele & Dagaalkii ugu cuslaa oo socda.

MAKELE(P-TIMES) – Wararkii u dambeeyey ee laga helayo magaalada Makele ayaa sheegaya in duqeyn culus lagu qaaday magaaladaas, waxaana ilaa hadda la xaqiijiyey in uu si rasmi ah u muuqdo in uu bilowday dagaal cullus oo lagu qaadayo magaalada.

Dagaal culus ayaa socda, waxaana wararkii u dambeeyey ay sheegayaan in la maqlayo Hugun culus oo ay dhinacyada oo dhammaan magaalada laga maqlayo, sida ay tabinayaan dadka kasoo jeeda Qowmiyada Tigree-ga ee kusugan magaalada.

Warbaahinta dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in la qaaday waxay ugu yeertay Howlgalkii xaqiijinta Sharciga, kaas oo ay iska kaashanayaan qeybaha ciidamada Milateriga Itoobiya, waxaana si weyn loo maqlayaa dagaalka.

Raysalwasaaraha Itoobiya, wuxuu shalay diiday in uu wada hadal la galo TPLF, wuxuuna cadeeyey in ay xooga saarayaan sidii midnimada dalkiisa loo ilaalin lahaa.

XOG: Itoobiya oo Dawlad gobaleedyada Soomaaliya u dirtay, Saraakiil ciidan, Dalab adag oo loogeeyey M/gobaleedyada.

Ma jirto warbaahin ka madax banaan labada dhinac oo sheegi karta xaqiiqada dagaalka, Wararka u dambeeya iyo dhacdooyinka dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*