DEG DEG-Nabadoon caan ah oo lagu diley magaalada Galkacyo iyo faahfaahin ka soo baxaysa.

Puntlandtimes (Galkacyo)-Wararkii ugu dambeeyey ee ay helayso Puntlandtimes ayaa sheegaya in magaaladaasi maanta lagu diley AUN Mid kamid ah nabadoonada caanka ah ee kunoolaa Waqooyiga Galkacyo oo ay Puntland ka arrimiso.

AUN Nadiir Sheekh Maxamed ayaa waxaa Waqooyiga Galkacyo ku diley nin la sheegay inuu u diley arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana qeybaha sare ee jirka uu kaga dhuftay rasaas dhowr ah oo markii dambe u geeriyooday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ninka dilka geystey uu isku deyayey inuu goobta ka baxsado kahor inta aysan goobta soo gaarin ciidnaka ammaanka maamulka Puntland oo gacanta ku soo dhigay ninkii ka dambeeyey dilka marxuumka.

Ciidamada ayaa xaafadaha ku teedsan halka uu dilku ka dhacay ka sameeyay howlgallo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxaana falkaani ku soo beegmayaa xilli uu soo wanaagsanaanayey ammaanka magaalada Galkacyo muddooyinkii ugu dambeeyey.

3 Comments

  1. Bal beenta intaas le’eg giiriya.
    Hadda waxaad ka dhigaysaa in nabadoonka shabaab dileen?
    Adeer kuwo beenloowyaal ah ayaa kuu soo warama.
    Nabadoonks wiil uu adeer u yahay ayaa dilay, isagiina waa la hayaa oo isagaa saldhiga police isgeeyey.
    Fadlan qoralada beenta ah ka fiirso.

  2. Umadda beenta la daaya.
    Fadlan haddad war sheegaysaan hubsada.
    Nadiir waa la dilay allaha u naxariisto.

    Ninkii dilay ma baxsan ee waa la qabtay
    Gacanta Boliska ayuuna ku jiraa.

    • Kkkkkkkkk ninkaan meeshaan wax ku qora waxaas iyo wax ka liita oo been ah ayuu dadka u sheegaa, ninkaan waa kooxda qaaqlayaasha farmaajo ee beenta ku caan baxay laakiin ilaahay ayaa maanta fasjiliyey kkkkkkkkk wixii warkiisa run u haystayoow wakaas beenloowgiii kkkkkkkkkk habarjecloooy muuse wakaaaaaaaas kkkkkkkkk

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*