DEG DEG-Qaramada Midoobey oo ka digtey halis ku soo wajahan Somalia, Itobiya iyo Kenya.

Hay’adda Cunnada iyo beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO ayaa ka digaysa in wixii ka dambeeya todobaadka labaad ee bisha Diseembar la filayo in koronkoro cusub oo ayax ah ku habsan doono qaybo kamid ah Soomaaliya,Itoobiya ilaa Waqooyiga Kenya.

AYAXAAN faraha badan ayaa hayadda FAO sheegtay inuu ka dhashay duufaantii GATI ee horraantii todabaadkan ku dhuftay meelo ka mid ah waqooyiga Somaliya, taas oo keentay duruufo u saamaxaya ayaxu inuu ku tarmo goobaha ay duufaantu ku dhafatay.

Maxamed Khaalid Cali  oo ah sarkaal ka tirsan hay’addaas FAO ayaa sheegay inay ku saleysan tahay saadaasha ay samaysay hay’addiisa in Ayaxa uu sii tartamayo sababo la xiriira duufaanta iyo roobabka ka da’ay deegaamada horay duufaantu ugu dhufatay.

Mas’uulka u hadlay FAO ayaa waxa uu sheegay in maalinba maalinta ka dambeeysa in uu Ayaxa kusii baahi karo degaano kale, isla markaana uu baabi’in karo Beero farabadan sidoo kale uu saameyn doono dowladaha deriska la ah Soomaaliya

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*