DEG DEG-Wararkii ugu dambeeyey ee Galkacyo iyo faahfaahin ka soo baxaysa ciidamo bam lagu weeraray.

PUNTLANDTIMES (GALKACYO)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa bam gacmeed caawa lagu weeraray ciidamo katirsan laamaha ammaanka Puntland ee gobolka Mudug oo ku sugnaa Waqooyiga magaalada Galkacyo.

Ciidanka oo ku jirey shaqo maalmeedkooda ayaa la sheegay in ay haleeshay bam gacmeed, xili ay taagnaayeen agagaarka hotelka Shaariqa, sida uu warbaahinta PUNTLANDTIMES u xaqiijiyey goob jooge ku sugan aagga Xera-daraawiish ee magaalada Galkacyo.

Inkastoo aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxaysa haddii ciidanka khasaare ka soo gaarey bamkaasi, haseyeeshee waxaa la sheegay in ciidanku ay rasaas ku fureen shaqsigii soo tuuray bam gacmeedka, iyadoona rasaasta laga maqlay qaybo kamid ah Galkacyo.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in ay ciidamo dad qabteen oo ay hadda gacanta ku hayan, hal qofna waxyeelo soo gaartay.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*