Hubkii ugu badnaa oo gudaga loo geliyey Addis Ababa iyo ciidanka ammanka oo ka hadlay.

Booliska magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen hub iyo banbaanooyin si sharci daro ah lagu heystay .

Kadib baaritaano ciidanka ammaanku sameeyeen xaafadaha Addis Ababa ayey sheegeen in 113 hub ah oo isugu jira qoryo iyo bistoolado ay ka heleen degmada Nefassilk Lafto ee ka tirsan Addis Ababa .

Hubkan ayaa boolisku tilmaameen in laga helo guryo iyo xafiisyo kala duwan oo xaafadaasi ku yaala.

55 qori oo ah nooca AK-47 iyo 19 garneyl oo kuwa gacanta ah ayaa ka mid ah hubka la qabtay, waxaa kaloo ay sheegeen in ay qabteen $64,000 .

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*