Inta badan hoggaamiyayaasha mucaaradka ah oo shir uga furmayo Muqdisho.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Musharixiinta mucaaradka ah ee doorashada Soomaaliya oo intooda badan shalay ku soo laabteen magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa u furmi doonaa shir ku saabsan arrimaha doorashada.

Shirka oo socon doona saddex maalmood waxaa looga arrinsanayaa sidii loo heli lahaa guddi dhexdhexaad ah, maadaama guddiga hadda jira lagu eedeeyay in ay yihiin taageerayaasha Madaxweyne Farmaajo iyo taliyaha NISA.

Xubnaha shirkaan ka qeyb gali doonna waxaa ka mid ah:

Hoggaamiyaha xisbiga Danqaran Daahir Maxamuud Geelle

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Labadii Madaxweyne ee hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed

Labadii Madaxweyne ee hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hoggaamiyaha xisbiga Ileys Cabdulqaadir Cosoble.

1 Comment

  1. Meeshan waxaa lagu xusay 8 nin oo 7 tahay Hawiye iyo Shariif-sakiin. Toddobada Hawiye, marka reebo Khayrre — lixda kale oo Hiraab isla sii ah mid walba wuxuu sheegtaa inuu xisbi u gaar ah hoggaamiyo. Sidaa oo kale, inta nin Hawiye siyaasadda ku jirta ama damac ka hayo mid walba xisbi nin keliya ah ayuu sameystay! Maxaa u diiday inay ugu yaraan dhowr xisbi ku midooban? Maxay ka shirayaan illeen aragti iyo siyaasad ay ku mideysan yihiin ma jiraane.

    Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh maxay qabteen oo la taaban karo siddeeddii sano ee ay xukunka soo qabteen? Khayrre sow ma aha kii saddex sano iyo bar ku shaqaynayey qorshaha fadhiidnimada ah ee Farmaajo? Sow ma aha kii kibirka iyo afjidda ku hayey golaha wasiirrada ee aan laga dabohadli karin? Sow ma aha kii meel walba ku faafiyey dhaqanka laaluushka ee weli eelkiisii socdo?

    Ma ay dareesana laakiin musiibo iyo cawaaqibxumo ka daran tan Farmaajo ayey lugta kula jiraan. Dhaqanka caynkaas ah ee ku salaysan aragtigaabnida iyo danaysiga shakhsiga ah wuxuu fursad siinayaa Farmaajo oo loo arki karo Allaa-i-baday iyo inaan wax dhaamaa jirin.

    Alle markii uu dadka abuuray ayuu qaarna u abuuray inay wax hoggaamiyaan, qaarna in la hoggaamiyo balse waxaa talo faro ka haaddaa markii lahoggaamiye damac hoggaamin galo. Ma arko ifafaale dalkan iyo dadkan looga badbaadin karo qorshaha gaaladu u dejisay ee uu fulinayo afgarooc Farmaajo. Cidna uma maqna, ceelna uma qodna, Alleyse leedahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*