Madaxweynaha Puntland oo aan xogtiisa la baahin ilaa markii uu Garoowe ka dhoofay October.

PUNTLANDTIMES (Boosaaso)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddo bil ku dhow ku maqan dalalka Imaaraadka Carabta, Itoobiya iyo Kenya ayaan wax xog ah safarkiisa warbaahinta ka siin tan iyo markii uu Garoowe ka dhoofay 26 October 2020.

Wararkii ugu dambeeyey ee aannu ka helayno magaalada Nairobi ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu halkaasi u joogo arrimo la xiriira doorashada Soomaaliya, gaar ahaan ololaha madaxweynaha Soomaaliya oo sanadkaan xiiso gaar ah xambaarsan, waxaana horyaal arrimo dhowr ah.

Arrimaha horyaal madaxweynaha marka uu soo laabto waxaa ugu muhiimsan ku dhawaaqista guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed, magacaabista musharixiinta xildhibaanada aqalka sare oo barlamaanku soo dooran doonaan, dhismaha maxkamadda dastuuriga ah ee Puntland iyo arrimo kale.

Madaxweyne Deni ayaa horay safar aan wax faafaahin ah laga bixin ugu kicitimay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, inkastoo xoguhu sheegayeen inuu kula kulmay sirdoonka wado ay Itoobiya kamid tahay.

6 Comments

  1. Dhibka Garoowe yaalah ee sugaaya ayuu ogyahay; kana warwareegayaa. Mashaqooyin baden oo uu ugu horeeyo sicir bararka dhaqaalaha Puntland curyaamiyey, shabaab, dhibaatada Boosaaso , Kaalkacayo iyo maxkamadah shaqeyn waayey.

  2. Ina Gaylanoow waxaad noosheegtay in aan safarka madaxweynaha iyo halka uu ku sugan yahay aan war laga hayn. Marka Yaa kuu sheegay warkan aad noo sheetay? Mase warkaagu waa (Run ha sheegin, beenna hasheegin waxaad sheegtana hawaayin).

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*