Madaxweyne ku-xigeenka oo maanta gaarey talisyada ciidanka kuna amray dagaal lagu qabanayo deegaamada maqan.

PUNTLANDTIMES (MUQDISHO)-Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) oo ku sugan Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa booqday xerada Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMSIOM ee lama-gaalay.

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee guutada 5-aad, waxaana Saraakiisha Madaxweyne ku-xigeenka ay warbixin guud ka siiyeen howlgaladii ugu dambeeyay ee Ciidanka ka fuliyeen deegaano ka tirsan Hiiraan.

Saraakiisha guutada 5-aad Ciidamada ayaa sheegay inay wadaan dalaalo lagu xaqiijinayo amniga, isla markaana wadashaqeyn kala dhexeeyso laamaha ammaanka magaalada Beledweyne, wuxuuna Yuusuf Daba-geed faray Ciidanka dardar-gelinta sugida amniga

Ugu dambayntiina madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ku amray saraakiisha ciidamada inay qaadaan duulaano ay Alshabaab kaga saarayaan deegaamada ay dagaal yahanada Alshabaab kaga sugan yihiin gobolka Hiiraan iyo guud ahaan maamulka Hirshabeelle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*