Madaxweyne Lafta-gareen oo ku dhawaaqay cidda caqabadaha ku ah horumarka maamulkiisa.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa markii u horeysay ka hadlay caqabadaha uu ka dhaqaaqi laayahay maamulkaasi iyo cidda hortaagan horumar ka taaba qaada deegaamadaasi.

Lafta-gareen ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn ee haysata maamulka Koonfur Galbeed ay tahay kooxda Al-Shabaab, oo uu sheegay inay go’doomiyeen qaar kamid ah deegaamada maamulkaasi inta dhimman ay weeraro ka fuliyaan mar walba.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqyada Alshabaab ay keentay inaysan isku gudbin degmooyinka qaar oo ka tirsan Koonfur Galbeed, isagoona xusay in afar degmo oo ka tirsan maamulkiisa ay gacanta ku hayaan kooxdaasi, isagoona sheegay in KG la dhaqaaqi laadahay amni darada ay horseedka u yihiin Shabaabku, hase yeeshe ay dagaal xoogan kala hortagi doonaan.

“Caqabado amni ayaa ka taagan Koonfur Galbeed, waxaana waajib ah in si wada-jir ah looga howl-galo in la isku furo waddoyinka deegaanada iyo degmooyinka maamulka” ayuu yiri Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*