Mas’uul katirsan dowladda Soomaaliya oo ka badbaadey qarax lagu weeraray & 8 dhalinyaro ah oo Muqdisho lagu aasay.

Puntlandtimes (Muqdisho)-Muddo 24 saac ka yar waxaa qarixii labaad uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya, kadib markii qarax jugtiisa laga maqlay magaalada uu ka dhacay meel u dhow Isgoyska Miranaayo ee degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir.

Qaraxaan oo dhawiqiisa siweyn looga maqlay magaalada Muqdisho isla markaana ahaa miino wadada dhineceeda lagu aasay ayaa waxaa la sheegay in lala beegsaday gaari uu saarnaa maareeyaha dekedda Muqdisho Mudane Axmed Waashitoon oo xilligaasi shaqada ku sii jeedey sida dad goob joogayaal ah sheegeen.

Maareeye Axmed Waashitoon ayaa ka badbaadey weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday haseyeeshee waxaa la xaqiijiyey in qaraxaasi ay dhaawacyo ka soo gaareen 3 katirsan ciidamada ilaalada u ahaa maareeyaha dekedda Muqdisho.

Ciidamo katirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya oo gaarey goobta uu qaruxu ka dhacay ayaa waxa ay bilaabeen howlgallo ammaanka lagu sugayo, waxaana gaadiidka gurmadka deg deggga ah ay goobta ka qaadeen dadkii dhaawacmay oo lagu dabiibayo xarumo caafimaad oo kuyaal magaalada Muqdisho.

Allaha ha unaxariistee waxaa isbitaalka xoogga dalka ka dhacay aaska siddeed dhalinyaro ah oo xalay ku dhintay Qarax Ismiidaamin oo lala beegsay maaqayad ama goob lagu nasto ee loo yaqaano Gelato Devino ee ku taalla ka soo horjeedka xarunta Sahal ee wadada garoonka Aadan cadde.

Aaska waxaa ka qayb-galay boqolaal dad shacab ah, qaar ka mid ah ehelada murxuumiinta, masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya  iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*