Maxaa ka soo baxay kulankii dhexmaray madaxweyne Deni iyo safiirka Sweden ee Somalia.

Puntlandtimes (Garoowe)-Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa galabta aqalka Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander iyo masuuliyiin ka tirsan Safaaraddaasi.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni iyo Danjire Mr. Staffan Tillander ayaa ka wadahadlay Mashaariicda ay dalka Sweden ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland , arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka Soomaaliya iyo saamaynta duufaantii GATI ee Puntland.

Safiirka dalka Sweden ee Soomaaliya Mr. Staffan Tillander ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu ku bogaadiyey Madaxweynaha dadaalkiisa iyo doorka ay Puntland ka qaadato markasta arrimaha Soomaaliya.

Socdaalka safiirka Sweden ee Soomaaliya uu ku yimid deegaamada Puntland ayaa ku soo beegmaya xilli ay beesha caalamku madaxda Soomaalida ku cadaadinayso hirgelinta jadwalkii doorashooyinka Soomaaliya ee dhowaan lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*