Mid kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya oo xabsiga loo taxaabay.

Puntlandtimes (Hargaysa)-Magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa maanta gaarey musharaxa madaxtinimada Soomaaliya ee doorashada 2021 Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mid kamid ah suxufiyiinta ku sugan magaalada Hargaysa ayaa xaqiijiyey ildhibaan Mustaf oo kamid ah Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uu ka degay Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport ee Hargeysa.

Ciidanka ammaanka maamulka Somaliland ayaa la sheegay in xildhibaan Dhuxulow ay ka qabteen garoonka diyaaradaha magaalada Hargaysa iyagoona intaas kadib ku xiray xabsiga gaarka ah ee kuyaal garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa.

Majirto cid ilaa hadda ka hadashay sababta Dhuxulow u gaarey magaalada Hargaysa iyadoona aysan weli hadlin Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadan safarka Musharax Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ku tegay Caasimadda Somaliland iyo xarigiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*