Musharax Kheyre oo qaaday talaabo Geesinimo leh & Saameynta ka dhalanaysa!

MUQDISHO(P-TIMES)- Musharax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre ayaa lakulmay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayna ka wada hadleen weerarkii lagu qaaday bishii December 2017kii Gurigiisa.

Cabdishakuur ayaa horey marar badan uga hadlay weerarkan, wuxuuna ku eedeynayay in ay abaabuleen Madaxweyne Farmaajo, RW Kheyre iyo Taliyaha NISSA Fahad Yaasiin, balse kulanka caawa ayaa u muuqda mid wax badan ka bedeli doona.

Sida uu shaaciyey Raysalwasaarihii hore haddana ah Musharax Madaxweyne Xassan Cali Kheyre, ayaa ka raaligaliyey Siyaasigan arrinta ku saabsan weerarkii dhacay December.

Kheyre ayaa qoray in ay ka wada hadleen arrintan, oo ahayd mid maalmihii u dambeeyey lahadal-hayey.

“Waxaan caawa hoygiisa ku soo booqday hogaamiyaha xisbiga wadajir, ahna musharrax madaxwayne ee jamhuuriyada federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdiraxman cabdishakuur Warsame, halkaas oo aan si walaaltinnimo ku dheehantahay isugu soo qalbi xaarannay. Waxaanan ka raalli galiyay dhibkii 17kii December 2017 isaga iyo ilaaladiisa kasoo gaaray dhacdadii ka dhacday hoygiisa” ayuu yiri RW Kheyre.

Kulankan, waxaa ka shaqeeyey siyaasiinta Muqdisho kusugan qaarkood, ka hor saacado uun inta uusan furmin kulanka berrito ee Musharaxiinta ay uga wada hadlayaan doorashooyinka.

7 Comments

  1. KHAYRE MA INA ADEERKIIS KALIYA BUU RAALLIGELIN SIIYEY?!!

    Khayroow xukuumaddii aad wasiirka koowaad ka ahayd waxa ay shakhsi SOOMAALIYEED u dhiibtay cadaw soo jireen ah, oo aan ISLAAM ahayn. Intaa ugama aadan harine ururkii uu ka tirsanaa ee ONLF, ee gobanimadoonka ahaanna waxa aad ku shaanbadaysay ARGAGIXISO; adiga ayaa shirkaa guddoomiyey. Meel aad raalligelin ku bixisayna Soomaalidu ma arag mana maqal. Marka, ma waxa aad ka waddaa qoladaasu DAAROOD bay ahaayeen nin kanina waa HAWIYE?!

    • Hillaac, waa soo socotaa taasi, ninka hawshan watay waa Inaadeerkaa farmaajo oo Ogaadeen ku kacsan oo Jubbaland doonaya in MAREEXAAN yeessho, dhibkuna yahay mid deegaan ee qabiil ahayn, Kheyre shaqo kumą lahayn, fikirkaasina isaga kama bilaabmin kumana dhammaanin, masę lihi dambiile maaha oo taariikhda ayey ugu jirtaa arrinkaasi, wasiiradii fadhiyey shirkaa baa la qaba, haddiii aadan is yeelyeelayn Kheyre wuxuu gudbiyaa oo fuliyaa siyaasadda dawladda ee FARMAAJO, maalintii uu ka hadlay doorasho hal qof. iyo hal cod ah, ee yidhi doorashada dib looma dhigi karo, waa tii 7 daqiiqo ku baxay, haddii aan farmaajo raalli ka ahayn in ONLF lagu daro Argagaixiso oo Mujaahidkii weynaa `xabashi loo dhiibo wallee inaan Kheyre sameeyeen , jeelkana waa la dhigi lahaa, imisa jeer baa Farmaajo la weydiiyey oo uu ka amusay, xataa Intii Kheyre sii maqnaa baa la warsaday, Farmaajo xaal xataa kama bixin, saaxiib sakaaro xaar Ła arkayo ayey aas aastaa, nin aqoon leh baad tahay, ee runta qiro hana ka xumaan heshiiska Hawiye dhex mara, car waakaase Farmaajo ha raalli geliyo Kalbi-dhagax iyo Daarood iyo Soomaali

  2. Anigu waxaan ku qoslaa kolka rag waaweyn iska hinaasaan.

    Qalbi Dhagax iyo Ururka ONLF waxii loo geystay waxay aheyd Xad Gudub aad u weyn. Xil ay Dawlada imika jirtaa xalin kareysona maba ahan.

    Qalbi Dhagax tiisu waxay u baahneyd in Baarlamaankii jirey Dawlada Mooshin Xilka uga xayuubiyo. Dabadeedna kolka xasaanada laga xaayuubsho Farmaajo, Kheyre iyo intii kale ee kula socotay arintaasba in Danbiyo culculus lagu soo oogo. Xadhig iyo Ciqaab la’iskugu daro. Nasiib daro’se Baarlamaan la dhufaaney oo la heysto ayuu ahaa oo waxay ka soo saareen huuhaa iyo hiihaa waxba ma dhaamin.

    Imika waxay xaalada Qalbi Dhagax u baahan tahay in Xukuumadaha soo socdaa wax ka qabtaan. Maxkamadeeyaan intay qaban karayaan oo ay Farmaajo iyo Kheyre ku jireaan. Raali gelin isba waakii iska diiday. Walee Qalbi Dhagax Doqon ma’ahan. Kolkey sasabta is yidhaahdeen waa kii futadiina u sheega ku yidhi. Wuuna ku saxsanaa.

    Hilaacoow waxay aheyd inuu intaas hankaagu ka sareeyo. Halka aad ka hinaaseyso waxay aheyd inaad Garato in Qalbi Dhagax arintiisu aanay inaba u dhaweyn tii C. C/Shakuur ku dhacday. Inkastooy iyaduba xumeyd, dee isaga dalkiisii ayaa lagu dhex hujuumay oo waxbuu iska celiyay oo xitaa Maxkamad ayuu isa soo taagay. Qalbi Dhagaxse kuwii ay aheyd inay magan geliyaan oo ay weliba iyagu difaacaan ayaa intey Garboduub iskugu jabinyeen hadh cad u dhiigay cadawgii ugu xumaa. Waa Qadiyad aanan la qabiileyn karin tiisu. Dawladiisii xajmiga aheyd ayaa dhiibtay.

  3. Shiinoow, Soomaalidu waa in istaqaan.

    ONLF iyo Qalbi lixajeclo kaama haysa e waxa aad ka xajiimootaan magaca DAAROOD ee aan meesha ku soo qoray, kaasaad dhibsatay.

    Haddaan mar labaad ku celiyo, waa in Khayroow aad RAALLIGELIN buuxda ka bixisaa shirkii aad shir guddoomisay ee aad xukuumaddaada ku amartay in ay ururka ONLF ku daraan liiska ARGAGAXISADA, adiga oo dhiibay shakhsi Soomaaliyeed. Haddaad kan garatay, maxaa diiday in aad kan kale garato?

  4. HILLAACOW MAXAA DAAROOD LAGA XAJIIMOODAA, HORTA DAAROOD MAGAC AHAAN MOOYEE , FICIL AHAAN MA U JIRAA, SOWDIGII SACAB TUMAYEY MARKII LA DHIIBAY QALBI DHAGAX, SOWDIGII ASKARTAADII KU DARAY KUWII KU DUULAYEY AXMED MADOOBA, SOWDIGII XABASHI UGU YEEDHAY AXMED MADOOBE, SOWDIGA PUNTLAND CUNQABATAYN KU WADA, DAAROOD WADA SOCDA OO MEEL U WADA JEEDA, ANNAGU MA ARAG, XATAA DAGAALADII, LAASCAANOOD MAXAY U XOREYN WAAYEEN AMA ISUGU DAYI WAAYEEN, MAXAA DHULBAHANTE HARGEYSA GEEYEY IYO WERSANGELI, ADEER BEEN BEENTA DAAROOD BAA JIRA, WAA HORE OO 35 SANO HORTEED BAANU OGAANAY, WAX AAN KA NAXNO AMA XISAABTA KU JIRA MA AHA, MAGACA DAAROOD WAA ASAL MA DOORSHE OO WALAAHI AH, THEY ARE NOT FUNCTIONING AS A ENTITY, IYAGA AYAA CADOW ISUGU FILAN, WALLAAHIN INAAN NIN HAWIYE AH AMA ISAAK AH AMA SOMALI KALE AHI NINKOODA XABASHI U DHIIBAAN MUJAAHIDKA AH ISKABA DAA BETY CIRIMINAL
    MAALINTA AY KUGU XUMAATO EE FARMAAJO JIQ LOOGA SIIYO BAAD MAGACAA SOO QORTAA.
    SOWDIGII MAALINTII MAJEERTEEN Siyaad Barre TIIRKA KU XIDHAY , ADIGA OO HARTI AH MUSHXARADAAYEY,
    ” MA KUWAAN HARTIGA MOODAYEY BAA SII MUSHXARADAAYEY, MAANGAAB DHULBAHANTE AH MIYAA NAGU MALAAKEEYEY’ AUN ABWAAN KHALIIF

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*